Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Olole Xaafadaha iyo Dadka Lagu Tirakoobayo oo Laga Bilaabayo Boosaaso [Sawirro+Codad].

Boosaaso[RBC Radio] Olole balaaran oo Xaafadaha iyo Dadweynaha ku dhaqan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa maanta si rasmsi ah usoo bandhigay Maamulka degmada.
Kulan ka dhacay gudaha xarunta Dawladda hoose ee magaalada Boosaaso ayaa maantalagu shaaciyey hannaan lagu doonayo tirakoob lagu sameynayo Xaafadaha iyo dadka kunool   si loo sugo amniga degmada.
Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ahna Duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xassan oo kulan ka hadlay ayaa tilmaamay in hannaan lagu doonayo in tirakoob lagu sameeyo Xaafaddaha iyo dadka gudaha Boosaaso,kaas oo Maamulku  hadda gacanta ku hayo.
Xasan Cabdalla Xasan ayaa xusay in marka hore ay hawsha ka bilaabi doonaan in ay tirakoob ku sameeyaan guryaha ka dibna waxaa iyana la tirakoobi doonaa dadka degan guryahaasi.
Halkaan hoose ka dhagayso Duqa degmada Boosaso Xasan Cabdalla Xasan

Sidoo kale dadka reer Boosaaso ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugida amniga si loo gaaro nabadgelyo buuxda oo magaalada iyo shacabkuba helaan.
….”Habar kasta ama Hooyo kasta Carruur bay dhashay kuwa aad dhasheen haddii ay yihiin kuwa lagu shaqysanayo oo bastoolado dadka ku gaadaya waa in aad garataan…”ayuu yiri Xassan.

Guddoomiyaha Haweenka degmada Boosaaso Khadra Dhuun-golle oo kulanka iy ana hadalo kooban kasoo Jeedisay ayaa sheegay haddii ay yihiin haween gobolka ay mar kasta diyaar u yihiin ka shaqeynta nabadgelyada,waxaana ay intaas ku dartay in ciddii gobolka wax u qabaneysa ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan.
Halkaan hoose ka dhagayso Erayadii Guddoomiyaha Haweenka degmada Boosaaso Khadra Dhuun-golle
Todobaadyadii ugu danbeeyey waxa ay Boosaaso ahayd mid dadku hurda si fiican u ladeen amniga oo  la adkeeyey taas oo loo sababaynayo in Dawladdu hadda ay usoo jeesatay adkeynta nabadgelyada magaalada,waxaana si weyn usoo dhaweeyey Shacabweynaha reer Boosaaso.
Si kastaba ha ahaatee Qorshahaan Cusub ee uuwado Maamulka degmada Boosaaso ayaa noqonaya kii ugu horeeyey,waxaana dhawaan la bilaabayaa higelinta Ololahan.
Cismaan Turaabi
RBC Radio Boosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles