Ciidamada Booliska Somaliland ayaa goor dhow oo Maqribnimadan caawa albaabada isugu dhiftay Xafiiskii Telefishinka Horn Cable uu ku lahaa Magaalada Hargeysa, iyadoo haatan ay ku hareereysan yihiin Xaruntii War Laliska ee ku taal Hotel Ambassador.
Agaasimaha Horn Cable Maxamed Cabdi Ilig ayaa caawa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in Ciidamada Booliska ay si xun ula dhaqmeen, isagoo sheegay in maqribkii ku amreen in la xiran Xafiiska.
Waxaa uu beeniyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ahaa inay faafiyaan warar been abuur ah oo lidi ku ah Ammaanka iyo Qaranimada Somaliland.
“Waxaa naloola dhaqmay si xun, waxay nagu yiraahdeen alaabtiina ka daad-gureysta, anaga 36-shaqaale waxaa joognaa xaruntii War laliska, waana ka diidnay, waayo waraaqad sharci ma aysan wadan”ayuu yiri Maxamed Cabdi Ilig oo wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha Somaliland.
“Asigoo Madaxweyne qaran ah inuu Telefishin eed u jeediyo ma aheyn, dad baa warxuma tashiil u sheegaya oo talo wanaagsan aan siineyn, qatar kuma heyn anaga wax kasta oo dan u ah Qaranimada Somaliland ayaan heynaa, sharcigana wax walba ayuu noo madax banaaneynaya”ayuu sii raaciyay.
Agaasimaha ayaa sheegay in Ciidamada Booliska aanay wadan wax ruqsad ah oo sharci oo Maxkamada ka soo baxday, kaasoo faraya in la xiro, isagoo cadeeyay in hadii sharci lala yimaado ay diyaar u yihiin inay amarka qaataan.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo aanay ka fileyn hadalkan, isagoo tibaaxay in Saxaafada ay door weyn ka qaadatay sida uu ku noqday Madaxweynenimo, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in Xukuumadii ka horeysay oo ka xumeyd aanay sida ay ula dhaqantay aanu maamulkiisa ula dhaqmin Telefishinka.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in howlihii barnaamijjyada ee gudaha Somaliland ka waday Telefishinka uu istaagayo, hase ahaatee Xafiisyada kale ee dalka dibadiisa ku leeyihiin aanu wax hakad ah geli doono.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadal uu maanta u jeediyay Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada, waxaa uu ku eedeeyay Telefishinka Horn Cable inay lid ku yihiin qaranimada, warar ka dhan ah ay faafinayaan.
Goor dhow ayaa hawada laga saaray Telefishinka, inkastoo markii dambe uu dib u soo laabtay, intii uu ku guda jiray Musalsalkii caanka ahaa ee Caasi, waxaana la sheegayaa in si toos ah hawada looga saaray War laliskii Hargeysa, iyadoo warar qaar sheegayo in Xafiiska London uu si toos ah u tabinayo howsha Telefishinka.
↧
Ciidamada Booliska Somaliland oo albaabada isugu dhiftay Xafiiska Telefishinka Horn Cable
↧