Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Maamulka Ximin &Xeeb oo kahadashay Duqeymaha Ciidamada Kenya.

Cadaado:Sida lagu shaaciye warsaxafadeed maanta kasoo baxay maamul Goboleedka Ximin iyo Xeeb ee kadhisan gobolka Galgaduud ayaa shegaya in canbareenayaan duqeymaha diyaaradah kenya ka geystaan gudaha dalka Somaaliya khaasatan Koofurta Soomaaliya.
Warsaxafadeedka kadib aya warbaahinta weydise lataliyaha madaxweynaha maamulka Ximin iyo xeeb Cismaan Maxamed Cali waxaana lasheegay in aad oga xunyihiin duqeyntaas lagula kaco shacabka halkaas kudhaqan oo waxba galabsan.
Waxa oo kudaray lataliyaha madaxweynaha in aan fiicneen goobaha shacabka laduqeeyo waxaana oo sheegay in goobaha shabaab jogaan si toos loo bartimaameedsado inkastoo oo aan lagala soocin shacabka iyo shabaab.
Lataliyaha ayaa ayaa tusaalo usoo qaaday duqeymihii ugu dambeeyay ee diyaaradaha dagaalka ka geyteen degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.
Tan iyo markii diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen koofurta Soomaaliya waxa soo baxayay cambaareynta loo jeedinayo dowlada dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa inta badan sheegata in duqeymaha ay ka geysanayso Soomaaliyo inay ku dilaan Askarta iyo Saraakiisha ALshabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles