Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wafdi Qaramada Midoobey ka socda oo sanado kadib tegey Beledweyn

$
0
0

B/Weyne-hobyonet) Wafdi balaaran oo QM ka socda ayaa markii ugu horeeysay sanado kadib gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdigan oo uu horkacayey madaxa dhinaca amaanka ee QM ayaa waxaa ay u kuur galayeen xaaladaha dhinaca amaanka ee gobolka,iyadoo halkaasi ay kulamo la qaateen madaxda maamulada dooxada shabeele, kuwa ahlu sunna iyo xildhibaano kasoo jeeda gobolkaasi.
Wafdiga waxay booqasho ku tageen xarunta weeyn ee hey’adda cuntada aduunka WFP ku leedahay halkaasi.
Sida aynu ku heleyno wararka ka imaanaya Beledweyne wafdiga ayaa kulamo gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada Eithopia ee halkaasi ku sugan waxayna ka codsadeen iney adkeeyaan amaanka gobolka gaar ahaan Beledweyne.
Madaxda QM ayaa balan qaaday iney hey’adaha dhanka gargaarka ay sida ugu dhaqsida badan ugu laabanayaan gobolka si wax looga qabto xaaladaha nolosha ee macluush iyo caafimaadka.
Gobolka Hiiraan ayaa kamid ahaa gobolada dhowaan ka baxay gacanta al-shabaab markii ay weerar ku qaadeen ciidamada DKMG iyo kuwa Eithopia.
Www.hobyonet.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>