Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo deeq gaarsiiyay Xarunta Daryeelka agoonta ee Mama Caasha.SAWIRRO

$
0
0


Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa deeq waxa ay gaarsiiyeen Xarunta Xanaanada Agoonta ee Mama Caasha oo kuyaalla degmada X/weyne ee Gobolka Banaadir halkaasi oo ay kujiraan agoon aad u fara badan.
 
Deeqdani ayaa waxa ay aheyd mid ka kooban caano iyo buskutka nafaqeysan ee loogu talagalay in lasiiyo caruurta waxaana soo gaarsiiyay deeqdaasi Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo uu soo dhiibay deeqdaasi Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid kaasi oo kasoo aruuriyay Jaaliyadda Banaadiriga ee kunool qaaradaha Mareykanka iyo Yurub.
 
Xildhibaan Caamir Axmed Maxamed (Jakeeti) oo deeqdani lagu soo hagaajiyay ayaa soo gaarsiiyay Xarunta Daryeelka Agoonta ee Mama Caasha waxaana uu sheegay in deeqdani ay tahay tii ugu horeysay oo ay soo gaarsiiyaan Xarunta Mama Caasha ee daryeelka agoonta.
 
sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaan Caamir in maamulka Xarunta Daryeelka Agoonta ee Maama Caasha ay soo weydiisteen deeq kale oo dhinaca agabka iskuulka sida buugaag, qalimaan, jeesto iyo agab kale taaasina waxa uu sheegay in ay soo gaarsiin doonaan hadba inta ay awoodooda gaarto, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in daryeelka agoonta si aad ah loogu dadaalo.
 
sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Xildhibaan Maxamed Sh.Cabdi oo isna sheegay in deeqdani loo qeybiyay ardayda aysan noqon doonin tii ugu horeysay isagoo si aad ah ugu mahadceliyay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid iyo sidoo kale intii garatay in deeqdani ay soo dhiibaan.
 
qeybinta deeqdani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Odayaasha, Agoonyahannada iyo waxgaradka Beelaha Banaadiriga uuna horkacayay Hoggaanka Qowmiyadda Banaadiriga Malaaq Suuqi Muude Cali (Buuwe Muude).
 
Dhanka Maamulka Xarunta Daryeelka Agoonta ee Mama Casha waxaa u hadlay Guddoomiyaha Xaruntaasi Mudane Amiin isaga oo sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin deeqdani ay soo gaarsiiyeen Jaaliyadaha Banaadiriga isla markaasina ay ka rajeynayaan in ay arrintani noqoto mid joogto ah, sidoo kale waxa uu guddoomiyaha Xarunta Daryeelka Agoonta Mama Caasha Mudane Amiin si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo uu xusay in codsi ay u gudbiyeen si deg deg ah uu uga soo jawaabay ayna tahay in mas’uuliyiinta kale ee dowladda ay ku dayadaan Mas’uuliyiintani si daryeel wanaagsan loogu helo agoonta Soomaaliyeed.
 
Deeqdani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Xildhibaadani ay soo gaarsiiyaan Xarunta Mama Caasha ee daryeelka agoonta iyadoo Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo soo wakiishay Xildhibaan Caamir Jakeeti ay deeqo kala duwan horey u gaarsiiyeen dadka barakaceyaasha ah ee Muqdisho soo gaaray sidoo kalena dugsi quraan ka furay illaa labo degmo halkaasi oo iminka arday fara badan wax lagu barayo.










Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>