Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain Oo Furtay Bog Ay Ku Uruurinayso Shirka Soomaalida London Oo Ajandahiisa Lagu Soo Darray Somaliland–Fadlan Ka Qayb gal oo Qoraal Ku Muuji inad tageersantahay shirka london.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain Oo Furtay Bog Ay Ku Uruurinayso Shirka Soomaalida London Oo Ajandahiisa Lagu Soo Darray Somaliland–Fadlan Ka Qayb  gal oo Qoraal Ku Muuji inad tageersantahay shirka london.
 
London (Idhanka)– Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ayaa u xil saartay Shirka London ka dhacaya bisha February 23-keeda ee loo qabanayo qaybaha Soomaalida masuul ka tirsan safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo la yidhaahdo ninkaasi oo lagu magacaabo Matt Baugh.

Haddaba shallay ayuu Matt Baugh wuxuu sameeyey bog ka mid ah bogga internetka ee Wasaaradda arrimaha dibadda dalka ingiriiska kaasi oo uu ku soo bandhigay Ajandaha Shirkaasi oo ah dhawr qodob oo kala ah waa sida uu Matt Baugh ku sheegay bogga wasaaradda arrimaha dibadda eh

  1. Fursad in lagu soo bandhigo sidii loo dhisi lahaa Dawlad loo dhanyahay oo ay ku jiraan dhammaanba qaybaha Soomaaliya Ka Dib Marka uu dhamaado muddada Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Bisha August ee sannadkani 2012-ka
  2. In Shirkaasi lagaga hadli doono sidii loo gacan siin lahaa dadkii ka haajiray ama qaxay magaalada Muqdisho sidii ay ugu soo noqon lahaayeen guryahoodii isla markaana ay u dhisan lahaayeen magaaladooda
  3. in laga hadlo fursaddii loo tirtiri lahaa kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab iyo Budhcad badeeda
  4. Sidii loogu soo dari lahaa wada hadalada goobaha nabdoon  ee woqooyiga somalia.

Matt Baugh oo ah Masuulka diblomaasiga ah ee loo xil saaray soo uruurinta ra’yiga dadka soomaalidu wuxuu u furay boggaasi in lagu uruuriyo ra’yi ku saabsan qaabka shirka loo qaban lahaa, waxaana imika ra’yigooda dhiibanaya aqoonyahano reer Somaliland oo si adag ugu dhaleeceeyey Matt Baugh inaanay Somaliland ahayn qayb Soomaaliya ka mid ah waxaana ka mid ah Marwo Salma Sheekh oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee dalka ingiriiska isla markaana wax laga weydiiyo arrimaha Somaliland, iyo Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba) oo ah qoraa ahna suxufi reer Somaliland ah isla markaana tafatire ka ah boggani Halbeegnews
Bogga ka dhiibashada ra’ygu wuxuu u furanyahay qof kasta oo Soomaali ah waxaana jira kooxo ku lidi ah Somaliland oo dacaayado raqiis ah fidinaya, Waxaanu ka codanayna reer Somaliland inay ra’ygooda diidmada ah ee ay ku  muujinayaan inaanay Somaliland qayb ka ahayn shirkaasi ku soo bandhigaan.
Sideed usoo bandhigi kara
Waxaad booqan karta boggani guji halkani  dabadeedna hoosta eeg waxaad arki doonta form, ku buuxi magacaaga iyo halkaad degentahay soona gudbi adigoo farriintaada taagerada  ah (SUPPORT) in gobolada woqooyigu sida Awdal state   Khatumo state iyo  Naasahablood intuba  ay ka mid yihiin  Soomaaliya  .
http://blogs.fco.gov.uk/mattbaugh/2012/01/17/london-conference-on-somali...
Source-Halbeegnews


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>