Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Uganda oo sheegtay in Al-Shabaab ay damacsan tahay in dalkeeda ka geysato weeraro aar-gudasho ah

$
0
0

Dowladda Uganda ayaa ka digtay weeraro Al-Shabaab dooneyso inay dalkeeda ku soo qaado, si ay uga aar-gudato, kadib markii Ciidamadooda wiiqeen awooda Al-Shabaab, saldhigyo badan oo ku yaala Muqdisho kala wareegtay.
Jeneraal ka tirsan Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Ivan Koreta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sameyn karaan wax walba oo ay waxyeelo uga geysan karaan dadka Uganda sida uu yiri.

“Waa suura gal in Al-Shabaab sameeyaan isku day kasta ama ficil walba oo waxyeeleyn kara bulshadeena, waxayna qiil ama mar marsiiyo uga dhiganayaan doorka howl galka AMISOM aan ka qaadaneyno”ayuu yiri Jeneraalkan.
Sirdoonka Uganda ayaa hada bilaabay dhaq dhaqaaq la xiriira xog ay heleen oo ku saabsan in Al-Shabaab doonayaan in weerar ka fuliyaan dalkooda, waxaana jira digniino isa soo taraya oo Laamaha Ammaanka ay bixinayaan.
Uganda ayaa door weyn ku leh howl galka nabad ilaalinta AMISOM ee Muqdisho, Ciidamada ka socda Uganda ayaa ah kuwa ugu badan Muqdisho ku sugan.
Sanadkii 2010-kii bishii June ayay aheyd markii Al-Shabaab qaraxyo mataano ah ka fuliyeen Magaalada Kampala, goobo lagu daawanayay Final-kii ciyaarihii Aduunka, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70-ruux.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles