Bilaal Al-Barjaawi oo waalidiintiisu ka yimaaddeen dalka Lubnaan, hase yeeshee ku dhashay kuna koray Britain ayaa diyaarahada drones-ka ahi ku dileen duleedka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ururka Al-Shabab Sheekh Cali Mohamuud Raage ayaa xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan.
Dilkan ayaa yimid iyada oo ciidamada DKMG ee Somalia oo garab ka helaya kuw AMISOM ay weeraro xiriir ah ku qaadeen goobaha uu ururka Alshabab kaga haray magaalada Muqdisho.
Waxa kasoo kordha wararkan dilkan loo geystay Bilaal Al-Barjaawi, waxan idiinku soo gudbin doonaa barnaamijyada dambe.