Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Kooxda AC Milan oo dib ugaga soo kabatay guuldaradii Intermilan ee toddobaadkii hore iyo kulamadii kale ee Serie Ada.

$
0
0

Kulan kamid ah horyaalka Talyaaniga oo  dhex maray kooxaha AC Milan iyo Novara ayaa waxaa kooxda AC Milan u suurtogashay inay 3-0 uga badiyeen kooxda Novara.
Labo gool oo uu dhaliyey ciyaaryahanka reer Sweden Ibrahimovic iyo gool uu dhaliyey ciyaaryahanka reer Brazil Robinho ayaa u suurtogeliyey kooxda AC Milan inay saddexda dhibcood si sahlan ku qaadato. 





Kooxda AC Milan ayaa hadda hal dhibic waxaa ay ka hooseysaa kooxda hogaanka hayso ee Juventus.
Kulamadii kale ee ka dhacay dalka Talyaaniga ayaa waxaa ay ahaayeen qaar u dhacay sidan kooxaha Bologna iyo Parma ayaa isla dhaafi waayay barbaro goolal la’aan ah, kooxaha Lecce iyo Chievo waxa ay isla dhaafi waayeen 2-2, kooxda Palermo ayaa waxaa ay 5-3 uga awood sheegatay kooxda Palermo. Kulan kale oo dhex maray kooxaha Siena iyo Napoli ayaa barbaro 1-1 ah ku dhamaatay, Udinese ayaa 2-1 ugu awoodsheegatay kooxda Catania halka naadiga Caglieri iyo Fiorentina ayaa barbaro goolal la’aan ku dhamaatay.
Horyaalka Talyaaniga ayaa kooxda Juventus waxa ay ku hogaamineysaa 41dhibcood, AC Milan ayaa leh 40 dhibcood,halka kooxda Udinese oo kaalinta saddexaad ku jirta ay leedahay 38dhibcood.
Dhinaca gooldhalinta Serie A waxaa min 14 gool kuwada hogaaminaya Zlatan Ibrahimovic iyo Antonio Di Natale.
 
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>