Hogaamiyaha mucaaradka puntland ee ka dagaala Buuraha Galgala ayaa maanta ka hadlay
ajandayaasha kooxaha ku jira Buuraha Galgala ee dagaalka kula jira
Ciidamada Puntland iyadoo dagaalka halkaasi ka socda uu yahay mid
dhaca inta badan asbuucii saddex mar ama ka badan.
Maxamed Siciid Attam ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu kula jiro
Ciidamada Puntland uu sii wadi doono isla markaana uu ku raja weyn
yahay la wareegista Deegaanka Galgala oo ay hadda ka hor Ciidamada
Puntland kala wareegeen Malayshiyaadka uu hoggaaminyo Maxamed Siciid
Attam.
Sidoo kale Maxamed Siciid Attam ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada
Puntland ay Deegaanka Galgala ka gaysteen tacadiyo loo gaystay dad
rayid ah kuwaasi oo sida uu tilmaamay qaarkood laga gubay beero ay
Deegaanka ku lahaayeen waxaana uu intaasi ku daray in ay dagaalka sii
wadi doonaan inta ay Buuraha Galgala ku sugan yihiin Ciidamada
Puntland oo uu ku tilmaamay cadow kusoo duulay Buuraha Galgala.
Maxamed Siciid Attam ayaa mar uu ka hadlaayey in u ogol yahay wada
hadal uu la galo Dawladda Puntland ayaa waxa uu tilmaamay in uusan wax
wada hadal ah la gali doonin Dawladda Puntland isla markaana uu taasi
bedekeed dagaalka sii wadi doono isaga oo wada hadal la’aanta
Dawladda sabab uga dhigay dhowr arrimood oo ay kamid ahaayeen in
Dawladda aanay xor u ahayn arrimah Deegaanka iyo dagaalka oo uu
tilmaamay in madaxda Dawladda ay ka amar qaataan meelo uu kamid yahay
Maraykanka sida uu sheegay Maxamed Siciid Attam.
Hadalka Maxamed Siciid Attam ayaa waxa uu kusoo aaday xilli uu dagaal u
dhexeeya Ciidamada Dawladda Puntland iyo malayshiyaadka Maxamed
Siciid Attam uu laga bilaabo 26-dii bishii July ka socdo Buuraha
Galgala kaasi oo sababay dhimashada dad badan oo isugu jiray kooxaha
dagaalka iyo dad kale.
Masuuliyiinta Dawladda Puntland ayaa iyagu horay waxay go’aan ugu
gaareen in dagaalku socon doono ilaa ay meesha ka saaraan waxa ay ugu
yeereen Arga-gixisada ku jirta Buuraha Galgala ee dadka ku dhibaataysa
gudaha Magaalooyinka waa weyn sida Magaalada Bossaso oo wax ka yar
60-km u jirta Buuraha Galgala.