Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Radio Gaalkacyo oo wali hawada ka maqan iyo Qalabkii idaacada oo wali maqan

$
0
0

Meeshay Marayso Radio Gaalkacyo Waa wax Laga Noxo, Duminteeduna Dan maahee Bulshaday u shaqayso allaha Garansiiyo, si ay u Badbaadsadaan”Agaasimihii Hore ee Radio Galkacyo Xasan Maxamed Jamac.

Agaasimihi hore ee idaacada Galkacyo Mudane Xasan Maxamed Jamac (Jidka) ayaa ka hadlay markii ugu horaysay Radio Gaalkacyo oo maalmo ka hor deegaankeedii uu ka rartay ku simihii agaasimuhu kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta maamulka gobolka.
Agaasimaha oo ku sugan dalka sweden gaar ahaan magaaladda Vaxjo oo uu dagan yahay  ayaa sheegay in Radio Galkacyo tahay horayna u ahayd idaacad u adeegta danaha bulshada mulkiyadeena ay shacabka leeyihiin waxaana uu sheegay in sanadii 1993 laga yigleelay magalada Galkacyo waxaaana dadka deegaankaasi u soo qabatay shaqooyin aan cid u qabanlahayd jirin, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay marxalada foosha xun ee xiligan ay ku sugantahay.
Shir taleefaneed uu laqaatay qaar kamida warfidiyeenada Gobolka ayuu ku sheegay in uu aad uga xunyahay ismaandhaafka soo kala dhaxgalay mamulka Idaacada iyo madaxda Gobolka deetana ay soo faragaliso wasaarada warfaafinta.
Mudane Jidka ayaa sheegay in Radio Galkacyo ay u soo mareen dhabar adayg badan dhalinyaro uu kamidyahana waqti dheer ku lumiyeen sidii idaacada u hanaqaadilahayd waxaana uu bilowgeedii tilmaamay in lagu furay qalab tayadiisa aad u hooseeyso samankan cubna aan lagu shaqayn balse dadaal ay galeen idaacada gaarsiiyeen mid lajaanqaaday casriga cusub kuna soo kordhiyeen qalab tayadiisa aad u sarayso, qaar shaqaalaha Idaacadda ka mid ah, way u dhinteen waxaa la dilay iyagoo gacanta ku haya shaqadda Idaacadda kuwa badana waa lagu dhaawacay, qaar kalena waxay ka badbaadeen isku dayo la doonayay in lagu khaarajiyo mana doonayno taariikhdeenii iyo dadaalkeenii intaas ku dhamaado Radio Gaalkacyona sidaas lagu dumiyo ayuu yiri  Jidka.
way adagtahay runtii in la hormariyo meel dadka ka dhexaysa oo aanay jirin cid gooni u leh amase u maalgashanaysa, waan taas arinta ragaadisay Idaacada Gaalkacyo, sidaas waxaa yir Jidka oo intaasi ku sii daray  in shaqsiyan intii uu talada idaacada hayay uu ku soo kordhiyay qalab cusub lana kashaday aqoonyahan Gobolka Mudug ka soo jeeda kuwaa uu uga mahadceliyay tageerada ay idaacada umuujiyeen waxaana uu sheegay in uu ku hanwaynaa in hormarkale uu idaacada gaarsiiyo.
Waxaa uu sheegay in dalka dibadiisa uu u dhoofay iyadoo shaqada Idaacada meel aad iyo aad u saraysa maraysa iyo sumacada Idaacada oo meeqaam sare gaartay waxaana uu ku tilmaamay in ay ahayd idaacada loogu dhagaysiga badanyahay guud ahaan deeganada Puntland balse waxaa uu hada wax laga xumaado ku tilmaamay hakadka galay shaqada Idaacada iyo warar uusan ku farxin oo looga soo tabiyay.
“Waxaan aad ugu xumahay in wixii dadaal naf iyo maalba leh aan ku luminay ay maanta marayaan meel aad looga qooma mooda waan ka xumahay waana canbaaraynayaa falalka Idaacada ka socda”ayuu yiri Xasan Maxamed mar uu hadal ujeedinayay warfidiyeenada Gobolka gaar ahaan rugcadayaal horay uga soo shaqeeyay Idaacada shir taleefaneed uu laqaatay.
Xasan ayaa sheegay in xiriiro badan uu lasameeyay  Wasiirka warfaafinta xukumada Puntland iyo Mamulka Gobolka si uu uga lahadlo xalada Radio Galkacyo hadana uusan kadaalin waxaana sheegay in uu aad uga xumaaday talaabada uu qaaday masuulkii talada Idaacada hayay.
“Aaad ayaan ugu xumahay talaabada uu qaaday C/laahi Xirsi Cadde mana ah mid haboon hadii ay go’aan qaateen mamulka iyo wasaarada waxaa ay ahayd in si sharaf iyo magac ku dheehantahay uu shaqada idaacada u wareejiyo ee ma ahayn in magacii iyo sumcadii hooyada saxafada Puntland uu halkaa gaarsiiyo”ayuu hadalkiisa raaciyay Musuul Xasan.
Agaasimaha ayaa sheegay in intii uu dalka dibadiisa ku sugnaa shirar calamiya uu ka qaybgalay qadiyada Radio Galkacyo ku soo qaaday marnaba uusan ka daalayn hormarinta Idaacada markastana uu ku taamayay in Radio Galkacyo ay noqoto mid labaratanta idaacada ugu sareeya Somaliya.
Xasan ayaa mamulka iyo wasaarada u sheegay in hadii ay go’aamo qaadanayaan ay haboonayd in latashiyo ay la sameeyaan dadkii waqtiga iyo maalka ku soo lumiyay hormarka Idaacada oo ay ugu horeeyaan guddiga Idaacadda oo uu madaxda ka yahay prof Mohamed Jama iyo marwo Caasho geelle diiriye wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska oo runtii ka mid ahayd dadkii waqtiga badan soo galiyay haddana ku sugan dalka guddihiisa, lagana fiicnaa in qoraal ay soo saaraan waxaana uu intaa ku daray in talooyin badan oo manfac leh ay hayaan rug cadayaashii ka soo shaqeeyay Idaacada.
Ugu danbayn Xasan jidka in aqoonta iyo waayo aragnimadu shaqayso wuxuuna fariimo ujeediyay Mamulka,Warfidiyeenada Gobolka gaar ahaa kuwii ay soo saartay Idaacada iyo C/laahi Xirsi Cadde oo ah masuulka shaqada idaacada gacanta ku hayay.
Waa tan koowaade mamulka Gobolka iyo wasaarada warfaafinta ayuu ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay Idaacada u shaqayn lahayd lagana dhawrsanaado in aan hakadlagalin shaqada idaacada wax badana la xeeriyo si aysan dhulka ugalin sumacada idaacada hankana uusan uga jawbin saxafiyiinta uu kamidka yahay in naftooda u soo horay in Radio Galkacyo ay shaqayso.
Warfidiyeenada Gobolka gaar ahaan Saxafiyiinta ay soo saartay Radio Galkacyo oo ah kuwa ugu caansan Puntland ayuu ugu baaqay in talada idaacada ay hantiyaan qaladaadka dhacayana uu wax u dhimayo aqoontii ay ka barteen idaacada oo meelna ay ugu soo wadajeestaan cidii ay u arkaan in ay wax u dhimayso sharafta idaacada kulamo deg deg ahna ay qaataan kuwaa oo lagu samata bixinayo Radio Galkacyo oo xiligan mugdi iyo maalma adag dhex maquuranaysa.
In Cabdulaah xirsi cade haddii dowladu go’aansatay in ay la wareegto Idaacadda  aad u oglaato kuna wareejiso cidda ay u soo magacaabeen waayo Idaacadda bulshaddaa leh, bulshaddana dabcan dowladaa ka masuula, hana moogaanin in dhismihii puntland kadib ay dowladu i nagala wareegtay, kadibna ay dib ugu soo celiyeen gacanta shaqaalihii mutadawiciinta ahaa ee Idaacadda.
Ugu danbayn Xasan Jidka ayaa dad badani rumaysan yahay in intii uu hayay hogaanka Radio Gaalkacyo ay Idaacadu ku tilaabsatay horumarka ugu balaararn dhanka qalabka iyo dhanka  tayada warbaahinta iyo shaqaalahaba, wuxuna soo saaray saxafiyiin badan oo maanta ku shaqaysta xirfadooda intaas kaliya kuma ekayn dadaalka Hassan jidka ee dhanka saxaafadda puntland ee wuxuu dhisay oo mashruuc yar oo Idaacadd Gaalkacyo qaadatay ka sameeyay ururka warbaahinta puntland ee Map oo uu hormood ka ahay samayntiisa,
Ali Ahmed Abdi
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>