Waxaa hada lagu guuleystay in la demiyo dab xoogan oo maqribnimadii caawa ka kacay suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayadoo dabkaasina mudadii uu socday geystay qasaare burbur hantiyadeed.
Dabka oo markiisii hore ka bilowday qeybta qudaarta lagu iibiyo ee suuqa degmada Xamarweyne islamarkaana ku fiday qeybo kale oo isla suuqa Xamarweyne ka tirsan ayaa waxaa u gurmaday gaadiid dab damis ay oo ay leeyihiin Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom kuwaasi oo iyagu ugu dambeyntii ku guuleystay in dabka la demiyo.
Wariye Ismaaciil Muqtaar Cumar Oranjo oo ka mid ah wariyeyaal ka socda Warbaahinta Qaranka oo ku sugan Suuqa ayaa soo sheegaya in hada gebi ahaanba dabkii la demiyey oo suuqa uusan wax dab ah ka jirin.
Lama oga halka uu gaarsiisanyahay qasaaraha dhabta ah ee dabkan fiidkii caawa ka kacay qeybta qudaarta ee suuqa degmada Xamarweyne waloow uu jiro qasaare hantiyadeed kaasi oo ka dhashay goobo dhowr ah oo dabku uu baabi’iyey.
WIXII WAR AH EE KUSOO KORDHA HAKA FOGAAN RADIOMUQDISHO.NET
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
DEG DEG:-Dabkii Suuqa Xamarweyne Oo Lagu Guuleystay In La Demiyo
↧