Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta ka furmay shirka Madaxda dalalka Afrika ayadoo Soomaaliyana uu shirkaasi uga qeybgalayo Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shida uu Radio Muqdisho u sheegay Danjire Saciid Yuusuf Nuur Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia shirka ayaa waxa ay Madaxda dalalka Afrika uga wada hadli doonaan xaalada guud ee dalalka Afrika ayadoo si gaar ahna loo eegi doonaa xaalada dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan.
Marka laga hadlayo xaalada Soomaaliya waxaa ay Madaxda dalalka Afrika si gaar ah u eegi doonaan guullaha laga gaaray howlgallada ka socda gudaha dalka ee lagula dagaalamayo argigixisada Al-Shabaab ayadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyana uu Shirka khudbad ka jeedin doono taasi oo uu kaga hadlayo guullaha laga gaaray howlgalladaasi iyo horumarradii ugu dambeeyey eey ay Dowladdu gaartay.
Xalay ayaa waxaa isla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagu soo gebogebeeyey shir ay lahaayeen Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD kaasi oo ay madaxdu kaga hadleen xaaladaha Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Shirka Hogaamiyeyaasha Afrika Oo Galabta Ka Furmay Addis Ababa
↧