Balcad (SMN)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha cusub ee degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dagaalkan illaa labo Qof, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka labada dhinac ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah magaaladaasi.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaa in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.
The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay Balcad appeared first on Shabelle.
↧
Faah faahinno ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay Balcad
↧