Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Shariif oo si kulul u cambaareeyay dilkii Agaasimaha Idaacadda Shabelle

$
0
0

Addis Ababa,Axad 29 January 2012 (SONNA) – Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaarayay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadda Shabeelle, kaasi oo maanta lagu aasay deegaanka Jaziira.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo nuqul ka mid ah ay heshay Telefishinka CNN ee Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu cambaareeyay falkaasi dilka ah ee loo geystay marxuum Xasan Cismaan Cabdi oo ku magic dheeraa “Fantastic” oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen hooygiisa oo ku yiilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.
Mudane Sheekh Shariif ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in hay’adaha Ammaanka ay gacan ku siiyaan sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay falkaasi dilka ah, loona horkeeni lahaa cadaaladda.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in falalka noocaasi ah ay yihiin kuwa looga bartay in ay geystaan maleeshiyaadka xiriirka la leh ururka Al-qaacidda ee Al-shabaab, waxaana uu intaa ku daray in aan dhag jalaq loo siin doonin hanjaabaha ay kooxdaasi ku hayso shacabka Soomaaliyeed, kuwooda wax galka leh.
Marxuum Xasan Cismaan Cabdi oo 29 sano jir ah ayaa waxa uu ifka kaga tegay sadax carruur ah iyo hal xaas, waxaana uu noqonayaa Agaasimhii sedexaad oo ay dilaan kooxo bistoolado ku hubeysan.
Sanadkii 2007- waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Bashiir Nuur Geedi oo ahaa Agaasimhii Shabeelle, iyadoo sanadkii 2009-kana la dilay Muqtaar Max’ed Hiraabe oo isna ahaa Agaasimhii Shabeelle.
 
Source: CNN
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>