Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

IGAD oo ku baaqday in la xoojiyo taageerada ciidamada dowladda iyo AMISOM (Warmurtiyeed)

$
0
0

Addis Ababa, Axad 29 January 2012 (SONNA) – Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda ururka Goboleedka IGAD ay ku yeesheen Dalka Ethiopia ayaa lagu taageeray horumarka la taaban karo oo ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka soo hooyeen howlgalladii ay Muqdisho uga sifeeyeen maleeshiyada Al-shabaab.
 
Shirkaasi oo ay ka qayb galeen Madaxweyaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheikh Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweyaha Kenya Mwai Kibaki, Madaxweyaha koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardit, R/wasaaraha Dalka EthiopiaMeles Zenawi oo marti loo ahaa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Uganda Henry Okello Oryem iyo madax kale oo shirkaasi lagu casuumay.
 
Shirka ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ay mas’uuliyiintii ka qayb gashay ka soo saareen warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, kaasi oo ay ugu horeyso taageero loo soo jeediyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM horumarka ay ka sameeyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Muqdisho kaga saareen maleeshiyada Al-shabaab, taasi oo ay madaxdu ku tilmaameen mid wanaagsan oo amniga wax weyn ka badashay.
 
Warmurtiyeedka waxaa lagu sheegay in madaxdu ay soo dhaweyneyso hanaanka lagu xasilinayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaameen in ay qayb ka tahay howlgallada guud ahaan Soomaaliya looga saaro Al-shabaab.
 
Warmurtiyeedka waxaa kaloo lagu taageeray doorka ciidamada wadamada Kenya iyo Ethiopia ay ka cayaareen xagga nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyagoo madaxda IGAD ay markale soo dhaweyeen taageerada ay ciidamada labadaasi dowladood sii nayaan kuwa Dowladda Soomaaliya.
 
Shirka waxaa kaloo ay madaxdu talaabo wanaagsan ku tilmaameen sida dowladda Ethiopia ay uga jawaabtay codsigii Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kii urur Goboleedka IGAD ee ahaa in ciidamadoodu ay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga cirib tiri lahaa gobolka oo dhan.
 
Madaxda IGAD ayaa waxa ay ku baaqeen in la krodhiyo taageerada la siinayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalina ah ee Midowga Afrika, si loo xoojiyo amniga ka jirta Soomaaliya.
 
Warmurtiyeedka laga soo saaray shirkii ay madaxda urur Goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxaa madaxda dowladda loogu baaqay in ay gacan weyn ka geystaan arrimaha dib-u-heshiisiinta, Siyaasadda, xoojinta amniga degmooyinka Gobolka Banaadir  iyo in ay maamullo ka hirgeliyaan goobaha Al-shabaab laga xoreeyo.
 
Madaxda IGAD waxay kaloo Madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in la qadariyo hannaankii nabadda ee Jabuuti, heshiiskii Kampala iyo qorshe howleedka Road-Map-ka, si looga gudbo marxaladda KMG ah.
 
IGAD ayaa waxa ay soo dhaweysay qaraarkii tirsigiisu ahaa 2023 (2011) ee ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay markale cunuqabateynta ku kordhisay dowladda Eretria oo lagu eedeeyo in ay taakuleyn milateri siiso maleeshiyada Al-shabaab.
 
Source: SONNA
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles