Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Djibouti (Sawirro)

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta soo xiritaankii shirkii ICG ee magaalada Djibouti ka soo jeediyey khudbad xiritaan ah (Closing Statement).
Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab,
Waxaa sidoo kale shirka laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab, iyadoo lagu soo hadal qaaday Shirka London ee 23-ka bisha Febraayo la qabanayo.
Xubnaha shirka ka qeyb galay ayaa isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012,
Sidoo kale xubnaha ka qeyb galay shirka ayaa soo jeediyay in la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka London lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka.
 



Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>