Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada Dowladda oo maalintii 3aad wada howl galo dadka degan guryaha dowladda looga saarayo

$
0
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii 3aad ka wada Magaalada Muqdisho howl galo ballaaran oo dadka degan guryaha hantida guud looga saarayo, kadib markii ay dhamaatay mudadii horay Dowladda u qabatay.
Howl galadan ayaa ah mid ay ka qeyb qaadanayaan Madaxda dowladda iyo Gudi loo xil saaray in dadka guryaha degna laga saaro, iyadoo tallaabada dadka looga saarayo guryaha labadii maalmood ee u dambeeyay si weyn looga dareemay magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay in dadka laga saaro Bacadlihii Xamar weyne, halkaas oo muddo labaatan sano ay degenaayeen dad, waxaana si nabad ah ay Dowladda kula wareegtay Dhismahaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada oo horkacaya howl galkan ayaa ku ammaanay dadka inay aqbaleen inay ka guuraan guryaha.
Laakiin dad fara badan oo labaatankii sano degenaa guryahaas, una badnaa dad horay gobolada uga soo barakacay ayaa soo wajahday hoy la’aan, iyadoo dadka qaar aysan heysan wax gacan qabad ah oo ay hoy ka sii dhigtaan.
Dowladda ayaa horay ula wareegtay dhismayaal waxbarasho, goobo Caafimaad iyo qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha oo dad fara badan ay si sharci ah ku degenaayeen, iyadoo tani ay soo celineyso Dowladnimadii iyo in dadkii mudada sharci darada ku degenaa ay isaga baxayaan dhismayaasha danta guud.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>