Weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galabta lagu qaaday Maqaayad caan ah oo lagu magacaabo Fatxi oo ku dhegan Hotelka Muna ee degmada Xamar weyne.
Sida wararka sheegayaan qaraxan ismiidaaminta ayaa ka dhacay banaanka hore ee Maqaaxida, iyadoo gaariga uu jiiray qaar ka mid ah dad banaan fadhiyay oo ku shaahayay.
Maqaaxida oo ah mid caan ah, xilliyada galbihii dad badan isugu yimaadaan, ayaa qasaaraha ay dhici kartaa aad u ballaaran yahay.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay inuu indhihiisa saaray ilaa tobaneeyo ruux dhaawacyo ah, iyo qaar badan oo dhintay, iyadoo wali si rasmi ah u kala cadeyn qasaaraha.
Maqaaxida oo ah meel laga cunteeyo, isla markaana shaaho xilliyada galbihii ayaa waxaa soo fariistay dad rayid ah, xildhibaano, siyaasiyiin iyo saraakiil ah, waana meel bulsho badan mar walba oo dadka ay ku badan yihiin.
Bishii Agosto sanadkii 2010-kii ayay aheyd markii weerar is qarxin ah lagu qaaday Hotelkaas oo lagu dilay dad gaaraya sodon ruux oo xildhibaano, saraakiil iyo dad rayid ah lagu dilay.
Weerarka Ismiidaaminta ayaa noqonaya kii u horeeyay ee mid ka mid ah maqaayadaha ugu waa weyn magaalada lagu qaado.
La soco wixii ku soo kordha
↧
Weerar Ismiidaamin ah oo galabta lagu qaaday Maqaayad ku dhegan Hotelka Muna
↧