Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Tababarihii xulka Qaranka England Fabio Capello oo is casilay

$
0
0

Tababarihii xulka Qaranka England Fabio Capellp ayaa iska casilay xilka tababarnimo, kadib markii uu u gudbiyay xiriirka FA ee dalka Ingiriiska warqadiisa istiqaalada.
Is casilaada Macalin Capello ayaa sabab u aheyd is casilaadiisa kadib markii uu ka soo hor-jeestay go’aankii Xiriirka FA-ga uu Kabtanimada xulka uga qaaday John Terry.
Macalin Capello oo u dhashay Talyaaniga ayaa u soo saaray Xulka England ciyaaraha kama dambeysta Koobka Qaramada Qaarada Yurub oo ay ka harsan tahay afar bilood.

Go’aanka xiriirka FA-ga ku gaaray inuu Kabtanimada ka xayuubiyay John Terry ayaa keentay muran hareeyay Isboortiga Ingiriiska, iyadoo warbaahinta dalkaas ay aad u hadal heysay khilaafka u dhaxeeyay Tababare Capello iyo xiriirka FA-ga.
Tababarayaal dhowr ah ayaa hada u hanqal taagaya inay qabtaan xilka tababarnimo ee Ingiriiska sida Tababarihii hore Sven Goran Erikson, Tababaraha xilligan ee Tottenham Harry Redknap iyo kuwo kale.
Xiriirka K/cagta Ingiriiska ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda ay magacaabaan Tababaraha cusub ee xulka qaranka, si ay isugu soo diyaariyaan ciyaaraha Koobka qaramada Yurub.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles