Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka

$
0
0

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay goob maqaaxi aheyd oo ku dhow Hotelka Muna, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-Shabaab.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa ku tilmaamay weerarkan in aanu ka dhalan dayacaad xaga Ciidamada Amniga ah, isagoo tibaaxay in horay Ciidamada u fashiliyeen weeraro qaraxyo ahaa.
“Lama dhihi karo in weerarkii shalay ahaa mid dayacaad ammaanka, marka qof isku tala galo inuu is qarxiyo cid celin karta ma jirto”ayuu yiri C/samad Maxalin Maxamuud.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaas ay jiraan dad loo qab qabtay, inkastoo uu xusay in baaritaano socdaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa ku eedeeyay Shabaab inay u soo dhigteen baabi’inta shacabka, isagoo xusay min qaraxii Shaamow iyo kuwii u dambeeyay ahaa mid shacabka lagu leynayay.
“Al-Shabaab waxay ka soo horjeedaan nolosha dadka, waa dad cadaw u ah umada, qaraxii shaamow ilaa iyo hada dadka shacabka ayay leynayaan”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Mr Carab ayaa ugu baaqay shacabka inay banaan bax sameeyaan, isla markaana isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan fikirkooda, hase ahaatee hadii ay taas sameyn waayeen ayuu yiri inay u arkayaan in Shabaab taageeraan.
Ugu dambeyn Wasiirada ayaa ugu baaqay shacabka inay feejignaadaan, isla markaana la shaqeeyaan shacabka, waxaana ay tilmaameen in Ciidamada ammaanka ay sameyn doonaan howl galo looga hortagayo falalkan.
13-ruux ayaa ku dhimatay weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Baar Fatxi oo ku dhegan Hotel Muna, markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsaday, meel ay dad badan fadhiyeen, iyadoo labo la mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ku dhaawacmeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>