Wararka hada naga soo Gaadhaya Magaalada ayaa sheegaya in dagaal Xalay
Saqdii dhex Curtay uu wali socdo kaasi oo Dhinacyo badan ka socda,
Xidhiidh aanu la samayan Bosaaso ayaa la sheegay in dhawaac Fara badan
la Keenay Halka dadka GalGala ay sheegayaan in Mayd Gaadhaya 12-Ruux
Gudaha Degmada la soo Gaadhsiiyay.
Meel dhanka Qorax u dhaca ka xigta Degmada GalGala oo lagu Magcaabo Kala Noqod
ayaa layska Helay waxana ay ahaayeen Ciidamada Puntland kuu doonayay
inay dhanka Miyiga ay Magaalada u Baxaan si ay Dhabarjab u Sameeyaan
Hase ahaatee Ciidamada Maxamed Atam ayaa Meeshaasi ay isku Hirdiyeen
kuwaasi oo Khasaare xoogan soo Gaadhay dhanka PL.
Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa uu Maamulkooda lahaa
Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo ah Wasiir Xigeenka Aminga waxana ay
Ciidamadaasi ahaayeen kuwa isku dhafan oo ay xitaa ku Jiraan PISta.
Sarkaal u hadlay Ciidamada Atam Guutada 34- Lagu Magcaabo waxa uu
sheegay inay xitaa Hub Badan kala wareegeen Ciidamada PL isla markaana
ay Maydkoodii Arkayeen.
Docda kalena Maamulka Puntland oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa
sheegay Laftigooda inay Guula Waa wayn ka soo Hooyeen dagaalkaasi isla
markaana ay dhawaan War Saxaafadeed Kooban ka soo saarayaan.
Dagaalka GalGala ayaa Bilowday ka dib markii PL weerar ku qaaday
Galgala Bishii Julay 26- ee sanadkan aan ku Jiro waxana uu dagaalkaasi
soo Maray wajiyo badan.
xigasho galgala