Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

AMISOM oo ku hanjabtay inay weerar ku tahay Degmada Afgooye

Taliye ku xigeenka ciidamada midawga Africa ka socda ee AMISOM Audace Nduwumunsi ayaa sheegay in ciidamadooda ay dhawaan bilaabi doonaan hawl gal ka dhan ah Xarakadda Al-Shabab kaasi oo uu sheegay inuu  wajahan yahay dhanka degmada Afgooye.
Audace Nduwumunsi oo la hadlayay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal dagaal oo ka dhan ah xarumaha ay Al-Shabab ku leeyihiin duleedada magaalada Muqdisho gaar ahaan illaa iyo degmada Afgooye oo uu sheegay inuu dhawaan bilaaban doono hawlgal dagaalyahanada Shabab looga saarayo degmada Afgooye sida uu hadalka u yiri.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen qorshihii ay uga hawl gali lahaayeen meelo kabaxsan magaaladda Muqdisho oo uu tilmaamay inay gacanta dawlada ku jirto.
“Hawlgal aanu Shabaab uga saaranayno degmada Afgooye ayaa xilli dhaw bilaaban doona waxaana isku dayaynaa inaanu ka fogaano qasaaro soo gaaradadka shacabka ah” ayuu yiri Audace Nduwumunsi oo ah taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM waxaana uu intaa ku daray inay u sii gudbi doonaan magaalooyin kale oo ay ku jirto magaalo xeebeedka Kismayo eexarunta gobolka Jubbadda hoose.
Sidoo kale sarkaalkaan waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in wadamada Uganda iyo  Burundi ay Soomaaliya usoo dirayaan ciidamo kale oo dheeraad ah oo uu xusay ionay ku xoojinayaan ciidamada hadda hawl galada ka wada gudaha Soomaaliya.   
Xarakadda Al-Shabab ayaa dhawaan la bahawday urur weynaha Al-Qacida waxaana ay si wada jir ah ugu hanjabeen inay ladagaalami doonaan ciidamada AMISOM iyo kuwa kale ee ka socda wadamada Kenya iyo Ethiopia oo Soomaaliya ku sugan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>