Malleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Alshabab ayaa maanta gebi ahaanba is hortaagay goobihii waxbarashada iyo ganacsiga ee ku yaalla deegannada fara ku tiriska ah oo ay ku suganyihiin, iyagoo dadka ku qasbay in ay ka qeybqaataan dibadbaxyo lagu tageerayo falalka gummaadka ah oo ay Alqaacidda ka waddo Somalia.
Aroornimadii hore ee saaka ayaa malleeshiyaadka Shabaab waxa ay billaabeen in ay dadka ku qasbeen in ay ka qeybgalaan dibad bax ka dhacayay deegaanka Carbiska kaas oo ay sheegeen in lagu taageerayo Al qaacidda.
Malleeshiyaadka ayaa sidoo kale qafaalay ardaydii u kalaheysay goobaha waxbarashada waxeyna ka uruuriyeen buugaagtoodii oo ay dhigeen saldhig ay malleeshiyaadkaasi ku leeyihiin Ceelasha biyaha kadibna waxa ay ardaydii u kaxayeen Cearbiska oo ay ku diyaarinayeen dibadbax lagu taageerayay ururka argagixisada ah ee Alqaacidda.
Sidoo kale Malleeshiyaadku waxa ay ganacsatada deegaannadaasi ku amreen in ay xiraan goobahooda ganacsiga kana soo qeybgalaan dibadbaxaasi qasabka ah, dadka saaran gaadiidka BL ka ah ayeey si qasab ah ugala degayeen gaadiidka, iyagoon u kala sooceynin qof yar iyo qof weyn haween iyo rag.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in malleeshiyaad ka tirsanaa shabaab ay hubkii iyo gaadiidkoodii ay dhinac ula baxeen iyagoo ka soo horjeeda taageerada loo muujinayo ururka Alqaacidda kuwaas oo aan laakiin ku dhaqaaqi Karin wax ficil ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale muujinaya in Axmed Godane uu xilkii ka qaaday horjoogihii u qaabilsanaa Maaliyadda, kadibna uu u magacaabay nin la sheegay in uu ka yimid dalka Ingiriiska kaas oo aaminsan mabda’a argagixisada ah ee Alqaacidda.
Dibadbaxan sida qasabka ah dadka loogu qafaalayo ayaa imaanaya xilli malleeshiyaadka shabaab ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in ay la Midoobeen ururka argagixida ugu weyn ee Alqaaciddo.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Shabaab Oo Dadka Ku Qasbay Ka Qeeybgalka Dibadbax Ay Ku Taageerayeen Al Qaacidda
↧