Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wajiga labaad shirka wada tashiga oo maalinta berri ka furmaya Garowe

$
0
0

Wajiga labaad ee shirka wada tashiga ayaa maalinta berri ka furmaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo ay ku qul qulayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulada ka qeyb galaya shirka iyo diblomaasiyiin.
Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in shirka wajigiisa labaad ka furmayo garowe maalinimada Arbacada, si loogu sii arinsado waxyaabihii horay loo gaaray, iyo wixii ka qabsoomay.
Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota magaalada Garowe, kaasoo loogu jiro diyaar garowga shirkan oo natiijadiisa horay noqday mid la isku khilaafay, hase ahaatee dib markii dambe looga heshiiyay.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa shalay gaaray magaalada Garowe, isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka mid ah wafuuda ka qeyb galeysa.
Sidoo kale waxaa la filayaa in maalinimada berri ay ka degaan Garowe, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo labo qeyb uga qeyb galeysa baarlamaanka iyo xukuumada.
Xafiiska siyaasada qaramada Midoobey oo kulankan qaban qaabadiisa wada ayaa iyana la filayaa inuu ka qeyb galo, iyadoo wakiilka qaramada midoobey Agoustine Mahiga uu tagi doono.
Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan yariisow ayaa sheegay in kulankan looga hadli doono dhameystirka dastuurka iyo qabyo qoraalka horay loo soo bandhigay.
Shirkii hore uga dhacay Garowe bishii December ee sanadkii hore ayaa laga soo saaray qodobo badan oo ugu weynaa tirada baarlamaanka laga dhigayo iyo sida loo soo xulayo, iyadoo la isku raacay in 225-kuraas laga dhigo baarlamaanka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>