Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

DEG DEG: Al Shabaab oo shaaca ka qaaday inay gurmadyo u direyso Magaaladda Muqdisho, si’ay uga saaraan Amisom

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku celisay inay dagaalo xoogan ku qaadeyso Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana sheegtay in Magaaladda Muqdisho ay u direyso ciidamo xoogan.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dooneyso inay qabsato Magaaladda Muqdisho oo idil, ayna dooneyso inay cagta mariso Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo taageero balaaran siinaaya Dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade” oo ka qeyb-gallay banaan-bax goor dhaw lagu soo afjaray Magaaladda Jowhar, oo lagu taageeraayay ku biirista Al Shabaab ee Al Qaacida, ayaa wuxuu sheegay inay qabsanayaan Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu xusay inay gurmadyo xoogan u dirayaan Magaaladda Muqdisho, kuwaa oo uu sheegay in Magaaladda Muqdisho ay xoog uga saari doonaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo uu sheegay inay wadanka ka wadaan gumeysi.
Kaba Kutukade ayaa wuxuu ku goodiyay inay xoog ku qabsan doonaan Magaaladda Muqdisho oo dhan, isagoo shacabka ku dhaqan Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay, inay taageeraan qorshaha Amisom looga saaraayo Magaaladda Jowhar.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade”, ayaa wuxuu ammaanay ku biirista Al Shabaab ee Al Qaacida, isagoo taasi ku tilmaamay guul u soo hooyatay Ummada Muslimiinta ah, waa sida uu hadalka u dhigay’e.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>