Ciidamada Burundiga oo qayb ka ah Ciidamada amisom ee fariisinkoodu yahay Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad ayaa galabta si lama filaan ah Tacshiirad u huwiyey dad weyne fara badan oo xilligaa sida la sheegey ka soo rawaxay Suuqa Bakaaraha.
Mashqadan ayaa timid ka gadaal markii Gaari weyn oo Xamuul ka soo qaaday Dekadda Caalamiga ee Magaalada Muqdisho uu halkaa ku qalibmay taasoo keentay in dhamaanba Gaadiidkii uu isku Xayirmo.
Dadkii rakaabka ahaa ee la socday Gaadiidkaas ayaa bilaabay markaasiba inay Cagta maalaan wadadiina isku soo dhigaan.
Ciidamada AMISOM oo ka shakiyay dadkan faraha badan oo wadada ku soo yaacaya ayaa dabeeto Rasaas Oodda uga qaaday Dadkii ku safrayay Wadadaas.
Tacshiiraddaas ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Shan Ruux oo uu ku jiray Wariye ka tirsan Idaacadda Siimba oo ka mid ahaa Rakaabkii sii hooyanayay.
Wariyahan oo lagu magacaabo Cabdinuur ayaa lagu soo waramayaa in iminka ayasan xaaladdiisu darneen isles markaana lagu dabiibayo Isbitaalka Madiina ee magaa;ada Muqsdisho.
Ma aha markii u horeeyay oo ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundiga ay sedan oo kale Rasaas ugu furan dad rayid ah iyadoo waliba xilliga ay Tacshiiraddu ay dhacaysey aysan jirin wax dagaal ama duqeyn ah oo ka socday Eeryadaas.
Si kasta ha ahaatee Ciidamada AMISOM ayaan ka hadlin dhacdadaas sidoo kale ma jirto cid ka tirsan Mas’uuliyiinta dawlafdda ku meel gaarka oo arrintaa ka hadashay iyadoo dadkii shilkaa ku dhaawacmayna loo soo qaaday dhamaantooda isbitaalka Madiin ooiminka xaaladoodu lagu baxnaaninayo.