Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Faahfaahin: Maxaa ka jira duqayntii Air-portka Gaalkacyo.

$
0
0

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa inta badan ka dhaca falal ammaanka lidi ku ah oo ay ku jiraan weerarada lagu qaado Air-portka Magaalada Gaalkacyo.
Warbaahinta qaarkeed ayaa shaacisay 21-kii bishan in Maleeshiyaad ka soo jeeday Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ay duqeeyeen Air-port-ka magaalada oo xilligaasi ay ka degayeen qaar ka mid ah diyaaradaha shacabka.
Hadaba si aanu arrintan xog badan uga helno waxaanu xiriiro kala duwan la samaynay Madexda Maamulada Puntland iyo Galmudug ee arrintan u dhuun duleesha iyo qaar ka mid ah shacabka magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aways Cali Saciid oo aan xiriir la sameeyay ayaa ii sheegay in aysan jirin duqaymo dhanka Maamulka Galmudug looga gaystay Air-port-ka Gaalkacyo, ammaankuna uu aad u degan yahay.
” Walaal Air-port-ka wax shalay ka dhacay iyo cid wax u gaystay iyo arrin aan annagu ognahay oo dhib ah oo hada Gobolkan ka jirtaa ma jirto, Akhbaaraadkana hadba dadku si bay u tabiyaan lakin guud ahaan Gobolka shalay wax ka dhacay ma jiraan Air-port iyo deegaanka kaleba” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aways Cali Saciid .
Guddoomiyaha oo aan sidoo kale wax ka su’aalay hubka Magaalada laga maqlayay ee ka dhacayay dhinaca Koonfurta Gaalkacyo halka loo ridayay ayaa yiri ” Horta hub waaweyn oo laga argagaxayo oo dhacay ma jiro anigu Masuuliyiinta deegaankana waan ka mid ah Magaaladana waan jooogay, ma ogi mana arag, nimanbaa hub magaalada ku dhex baroowaystay, nimankaasna waanu u tagnay waana aragnay waxaanuna u sheegnay in ay magaalada kala baxaan hubka ay tijaabsanayaan, marka wax dhib ah oo magaalada ka dhacay shalay, maanta iyo doraadba ma jiro amniguna aad buu u waanagsan yahay”.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo aan arrinta Air-port-ka wax ka weydiiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqaymo loo gaystay Airportka Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xaqiijiyay in shaqadii garoonku ay caadi tahay diyaaraduhuna ay si wanaagsan uga soo degayaan.
“Arrintaasi horta waa arrin aan sida loo tarjumay ahayn, shalay abaare shanktii saac ee barqanimadii xilli ay soo dagaysay Diyaaradii JUBBA AIRWAYS , dhinaca Galmudug Qori ay leeyihiin oo dhinaca qoraxdu ka soo baxdo niman u tijaabsanayaan, xabadahaasuu dadku maqlay markaasay u fasirteen in Garoonkii la weeraray, Garoonka wax xabad ku soo dhacday ah ma jirin Diyaaradii JUBBA si nabad ah bay u fariisatay, si nabad ah way u kacday, kadib Diyaarad UN-ka ah baa si nabad ah u deg tahay si nabad ahna u kacday wax xabad ah ma dhicin, kadib Diyaaradii sadexaad ee  UN-ka ah baa timid si nabad ah u deg tahay si nabad ahna u kacday, Marka Garoonku si caadi ah ayuu u shaqaynayaa wax dhib ahina kama jirto” ayuu yiri guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.
Hadaba saamayn intee la’eg ayay leeyihiin Duqaymaha Air-port-ka Gaalkacyo, waxaan su’aashan u bandhigay Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland, Xillalka Madexweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadana horay uga soo qabtay Maamulka Puntland.
“Meelaha dadka ka dhexeeya sida Air-port-ka oo kale dabcan saamayn Dhaqaale, Saamayn Siyaasadeed iyo Saamayn Nabadgalyo intaba waxay ku yeelanaysaa arrintani, Airport-ka Gaalkacyana waa Air-port International ah dadkoo dhanbaa ka soo dega Soomaali iyo Ajaaniibba, kana dhoofa, waa Aqoondaro, waana caqli xumo in hub lagu soo rido” ayuu yiri Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
Dhacdooyinka Air-portka iyo duqaymahani Magaalada Gaalkacyo waxay noqdeen kuwo soo noq noqda, wel wel badana ku baaray shacabka qaybhiisa kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo.
Waa kan C/raxmaan Axmed Maxamuud dalmar oo ku sugan magaalada Gaalkacyo islamarkaana aan wax ka weydiiyay dareenka dadweynuhu ay ka qabaan dhacdooyinka iyo saamaynta guud ee ay ay arrimaha bulshada ku yeelan karaan.
“Runtii Saamayn aad u weyn ayay arrintani ku leedahay degenaashaha iyo xasiloonida Magaalada Gaalkacyo, Air-port-ka Gaalkacyo wuxuu ka mid yahay Ilaha dhaqaalaha ee Magaalada Gaalkacyo, dhacdooyinkani waxay noqdeen kuwo soo noq noqda oo aan wax talaaba ah laga qaada, hadii ay sidan ku sii socotana waxaa la gaarayaa in Ganacsatada iyo Ajaaniibtu ay awoodi waayaan in diyaaradahoodu ay ka soo degaan Magaalada Gaalkacyo ayna u wareegaan Gobollada iyo Degmooyinka kale, mida kale arrintani waxay muujinaysaa Masuuliyad darrada dhinaca Dawlada iyo in ay dayacantahay Gaalkacyo gaar ahaana Air-portka, Mar maaha oo labo maaha, waa Weak walba iyo bil walba in la duqeeyo Airport-ka, waxaana wax aad looga xumaado, Magaalada Ganacsigeedii, isku xirnaashaheedii iyo Amaankeediina uu khalkhal ku galo wax wax laga qaban karo” ayuu yiri C/raxmaan Axmed Maxamuud Dalmar.
Duqaymaha Air-port-ku waxay ka mid yihiin falalka ammaanka lidka ku ah ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, mana jiro xal arrintan laga gaaray kadib isku dayo farabadan oo Maamullada iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan ay arrintan u galeen, waxayna arrintani ku soo aadaysaa xilli mudo bil ku siman ka hor Maleeshiyada Koonfurta Gaalkacyo ay Duqaymo u gaysteen Air-port-ka Gaalkacyo.
Cumaryare, Gaalkacyo.

www.puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>