Brussels-hobyonet)Madaxa ugu sareeya ururka midowga yurub José Manuel Barroso iyo raisul-wasaaraha DKMG Dr. CabdiWeli Maxamed Cali oo kulan heer sare ah ku qaatay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaliya iyo sidii loo gar gaari laahaa shacabka Soomaaliyeed.
Manuel Barroso oo ka dib kulanka uu la qaatay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Saxaafada lahadlay ayaa sheegay in Ururka Midowga Yurub uu taageerayo dowladda KMG Soomaaliya ayna ka qeybqaadanayaan sidii loo kaalmeen lahaa Shacabka Soomaaliyeed dhinacyo badan sida Caafimaadka iyo Adeegyada asaasiga ah.
Madaxweynaha guduga midowga Yurub ayaa tibaaxay in ay ka shaqeeynayaan sidii dib loogu soo celin lahaa dowlad xukunta guud ahaanba dalka Soomaaliya soona celisa nidaamkii iyo kala danbeeyntii.
Ururka Midowga Yurub ayaa ka taageerayay dowladda KMG Soomaaliya tababarada ciidanka iyo taageerada ee ciidamada Nabad Ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.
www.hobyonet.com
↧
Raiisul-wasaare C/weli oo madaxa ugu sareeya midowga yurub kala hadley xaalada Soomaaliya
↧