Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Faah faahinno ku aadan la wareegitaanka Baydhabo ee ciidammada dowladda

$
0
0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya qaabkii ay ciidammada dowladda Soomaaliya ulla wareegeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Baydhaba, iyadoo la filayo in ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay u sii dhaqaaqaan deegaanno hor leh oo ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellada Dhexe.
Faah faahinnada ka soo baxaya qaabkii ay maanta ciidammada dowladda Soomaaliya oo garab ka helay ciidammada Itoobiya ay ulla wareegeen magaalada Bayedhabo ayaa  sheegaya in ay ka dambeysay kadib markii ciidammada dowladda ay saacado gudahooda kula wareegeen deegaanno muhiim u ahaa Al-Qaacidda sida deegannada Bohol Bashiir, Yurkud iyo degmada Bardaale.
Ciidammada dowladda ayaa horey uga soo dhaqdhaaqay degmada Luuq ee gobolka Gedo, isla markaana waxa ay si deg deg ah ku soo gareen deegaannada gobolka Baay, taasi ayaana loo sababeenayaa qabsashada magaalada Baydhabo, iyadoo ay ciidammada diyaar u yihiin bur burinta malleeshiyaadka Al-Qaacidda.
Wararka aynu ka heleyno gudaha magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay, hasa yeeshee waxaa aad u adag in gudaha magaalada ay dadku si caadi ah u joogaan maadaama ay jirto saansaan collaadeed.
Ciidammada dowladda ayaa  fariisimo ka sameystay dhowr jiho oo magaalada ah, waxaa saldhigyada ciidammada ku wehliya ciidammada dowladda Itoobiya oo howlgalka qeyb ka ah.
Dhinaca kale saraakiisha ciidammada dowladda ee howgalka hoggaamineysa ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in aysan joogsan doonin inta ay Al-Qaacidda ishooda qabaneyso saacad walbana ay diyaar u yihiin fulinta howlgalka  qeybta ka hartay.
Malleeshiyaadkii Al-Shabaab ee Al-Qaacidda ee maanta isaga huleeshay xarunta gobolka Baay ayaa qaarkood waxa ay u soo dhaqaaqeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo uu howlgalka haatan ku soo wajah yahay gobollada Bakool iyo Shabeellada Dhexe.
 
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
 
Yurub                                            +442035190460
 
USA & CANADA                         +17124327760


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>