Sida maanta lagu qoray wargeyska ka soo baxa dalka ingiriiska oo la yiraahdo The observer waxaa badda SOmalia dhex ceegaaga marka laga tago malaayga ilaahey ku manneystay saliidii iyo gaas abid ugu badnaa aduunka laga helo. Saliida iyo gaaska ku jira badweynta india ayaa la sheegay iney ka badan tahay marka la isku daro saliidaha wadamada Kuwait iyo Nijeeriya oo ku jiro seddex meel saliida adduunka laga helay.
Saliida ayaa la sheegay iney ku jirto inta u dhexeysa badda Tanzania Kenya iyo Somalia taas oo keentay la doono in la dedejiyo ka saarida wadanka ee Alshabaab.
Dhnka kale wargeyska ayaa sheegay in bariga somalia uu iyana ku jirto saliida aan tiro ku dhammeyn tan badda iyada oo uu ku jiro gobolada puntland oo muddo bil gudahood ah laga soo saari doono.
Jariirada The observer ayaa sheegay in wadahadalo sir ah ey uga socdeen magaalada London dowladda Britian iyo dowladda somalia iyo Puntland taas heshiis horudhac ah laga gaaray.
Ninka yiraadho Abdulkadir Abdi Hashi oo wasiir ka ah puntalnd ayaa jariiradu soo xigatay isaga oo dhahaya in ey la hadleen shirkadda saliida qoda Bp isagoo sheegay iney wadahadalo meel wanaagsan u marayaan.
Saliida Puntland ku jirta ayaa lagu qiyaasay ilaa iyo $500bn oo doolar iyadoo la qodayo oo keliya laba meelood oo keliya.
Laakiin jariirada ayaa tiri waxaase waxba ma ah marka loo fiiro saliida dhex ceegaagta badweynta indian Ocean oo ku tilmaantay Exciting.
Dadka indha indheeya ayaa aaminsan in saliida ku jirta badweynta india lagu qiyaasay illaa iyo boqol billion oo fuusto taas oo haddii la soo saaro somalia ka dhigeysa wadanka todobaad oo saliidaha dhoofiya.
Sidoo kale jariirada ayaa sheegtay in Urnium u badnaa ebid sidoo kale laga helay meelo kamid ah dhulka somalia sida galgaduud iyo gedo iyadoo arintaasi horey loo ogaa mar hore.
Shilkadda shidaalka Bp iyo shell ayaa sheegay in caawinaado shaqo u fidin doonaan magaalooyinka xeebaha ka agdhow.
Akhristow si kastaba ha ahaatee somalia iska daa haddii saliid laga helo somalia ee kaluunka ku jiro somalia ayaa lagu qiyaasay inuu ka badan 5 billion oo doolar sanadkii haddii uun mar dadkeenu meel isula jeesan lahaa. Ilaahayow towfiiqda na waafaji.