Aragtida dadweynaha ee ku wajahan ciqaabtii Jidh-dilka ahayd ee loo gaystey wariye reer Borama ah:
Yaa Dilay Wariye Maxamed C/raxmaan Maxaase Usoboba Dilkiisa?
Hadal aan sax loo odhan waa lagu saxdaa ee Wariye Maxamed dilkiisu waxa uu ku salaysanyahay Qabyaalad iyo cadaawad Gadabuursiga dhexdiisa ka jirta ninkii taa danfiraana waa isaga iyo daciif nimadiisa. Wax aan wixii sobobay laga hadala lama helo dawadiisa.
Hadaba aniga oo muda badan ka fiirsanayay arintan wariyaha loo gaystay xogo badana ururiyay waxan jeclaystay in aan su’aallo iyo jawaabo ku saabsan xaqiiqda iyo waxa dilka Wariyahani ku salaysanyahay idiin soo gudbiyo.
Hadaba inta aanad dawlado iyo dad kale ku cambaarayn dilka wariye Maxamed akhriso Su’aalahan iyo jawaabahan iiga soo baxay xogo aan ka ururiyay dad arintan siday udhacday u dhuun daloola
S: Wariyaha Ladilay waa’ayo?
J: Wariyaha la dilay waa Jibriil Yoonis?
S: Xagee Lagu dilay wariyaha?
J: Wariye Maxamed meesha lagu dilay Waa Boorama Ee Hargeysa maaha Djiboutina maaha Jigjigana maaha Xamarna maaha ee yaynaan casimadaha dadka kale ceebaynin.
S: Cidda dishay yay ahaayeen?
J: Cidda wariyaha dishay ee dawlada u matashay yarkani waa Gadabuursi yar yare ee Isaaq iyo Ciidan uu siilaanyo udalbaday maaha, Ciisana maaha, Darood iyo dawladii Siyaad Barana maaha, Hawiyana maaha, Amxaarana maaha, Duubcas iyo duul aan la garanayn oo qaramada midoobay lagaga dacwoodana maaha , ee yaynaan reeraha deriskeena ah ceebayn. Calan iyo calaamo kalena yarka laguma sheegayn ee ciyaar Saylici ayaa lala dulmaray
S: Cadhada lagula dhacayna maxay tahay?
J: Cadhada lagula dhacay waa tii kolka horaba ina dhextaalay oo ileyn majirto meel aan kaftankeenii kaga heshiinay ee JibriilYoonis isaga uunbaa dheel halaabay ee ragii dheesha la dheelayay wali sidii bay usoo dhiiranyihiin oo taasina kolay waxa kuu cadaynaysa sida raga yarka feedha fugleeyay loo soo xulay. Arinta la sheegay in loo haystayna waxay ahay arin aanu isaguba curin shuqulna ku lahayn balse joornaalada Hargeysa ka soo bixi daabaceen kuna salaysnaa jabhad lasheegay inay kasoo degeen xeebaha Awdal yarkuna aanu kaba war qabin, kuwii warka qorayna Hargeysay iska joogaan dawlada Soomalilandna arinkaa wax weynba uma arag laakiin raga Awdal ka qooqa ayuunbaa mar marsiiye ka dhigtay
S: Sidee raga yarka feedha fugleeyay loo soo xulay?
Xulifadii awalba lasoo dhoobay gobolka ayaa udhanaa oo ninka madaxa yarka hayay markii la dilayay waa nin garab iyo awood kale iyo ina adeer ku daaqa waana Bahabar celi
Ka lugaha hayay iyo ka feedha fuglaynayayna waxay ahaayeen labo ilma adeera sida la cadeeyay oo jibraacina waa Cabdilahi dheere Ilma adeeradii (Awdal’s warlord) laakiin Wixii labadoodaba goobta wada joojiyay lama sheegin ee malaha qiiraa isku keentay . Jeelkuna inuu yahay xul waxa kuu cadaynaya meesha laga waayay hal nin oo Jibriil Yoonisa oo kamida ciidanka waxa joojiyay laba nin oo jibraacina saw arin xul ah maaha..
Kan eedu fuushay ee reer Nuur ee la hadal hayaayina waxa uu ahaa uun daawade bilaa awooda bariiskiisana ilaa shanaya.
Waxanna waxan oo dhan u aabo ah ninkii Awooda loo hibeeyay ee magaca boqorada sitay Araweelo ee lo soo magacaabay booliska gobolka oo ah nin Bahabr Celiya waxana taa kuu cadaynaysa hortii majirin falal nuucan oo kala ah oo gobolka ka dhacay balse ujeedadani waa tii loo keenay meesha Mr Araweelo waanay bilaabantay hadaan la iska qaban.
Ciyaartana waxa layidhaa cadaawad dil waxana laga dheelaa Boorama iyo Libaaxlay inta u dhaxaysa kii garan waayana goshaa loo galiyaa.
Ugu dambayn Wariye maxamed wixii soo gaadhay wuu soo gaadhay waxase nasiib daran dhagweynta danbe ee musicga ciyarta ee ay lugoynayaan kuwo aan qadiyad lahayn balse musicga wakhti dhaafiska ah dheela caruurtoodana cadaawaha u looga markhaatigana ku fura.
Kuwaasina waa kuwa Garaw ku noolka ah garaad kooduna rubuca yahay waxay ka hadlayaan iyo waxay ku hadlayaana aan lagaranayn.
Maxamed Cabdillaahi
maxamedcabdillaahi@rocketmail.com
**********************************************************************************************************
Cabdwahab Muxumed Norway:
Waxaan aad uga xumaaday sida waxshinimada leh ee loo jidhdilay wariye maxamed marka labaad waxaan anigu qabaa fikir ka duwan kan dadku ka hadlayaan oo ah in cadaawada wiilka yar lagu dilay ay tahay mid qabyaalad dhex taala Jibril yoonis iyo raga dilay beelaha ay kasoo jeedaan markaa dawlada yaan lagu wareerin cambaareyna horaa looga daalay kaliya sida ugu habooni waxay tahay in labada nin ee booliska ah borama dhexdeeda lagu jiidjiido marka dawladi soo kala dhex gasho samaroon ha la arko lakiin waa in xiniinyo la tusaa ragan tuugta ahna la tusaa in laga laandheeraysan yahay lana muquunin karo maalin galinkeed sidaa kaliya ayaan anigu xal u arkaa waxa kale oo dhami waa sheekooyin gaaban. suldaanka jibriil yoonis waa inuu noqdaa sidii sulaladiintii ka horeysay sida Allaha u naxariistee suldaan gurey oo intuu noolaa aanay dhicin bahdilaada nuucan ahi haduu suldaan wabar sida raga yeeli waayo suldaanimada waanu kala noqonaynaa nin geesi ah oo sharafta beesha ilaaliya ayaanu caleemo saaraynaa waana walaahi sida ay ku socoto.
waad salaaman tihiin fadlan bahda saylac.com waxba haka goynina qoraalkayga
****************************************************************************************************************************
Xasaw aw daahir maxamuud UAE
MARKA HORE WAXAAN SALAAMAYAA SAYLACNEWS MARKA LABAAD TACSI NAXDIN LEHAYAAN U DIRAYAA WALAALKAY WARIYE MAXAMED ILAAHAYNA WAXAAN UGA BARYAYAA INUU KA KACO NABURKA GARDARA AH EE MAANGAABKU U GEYSAY.
DACWAD AYAAN ANIGU QABAA DACWADUNA WAXAY TAHAY MARKA HOREY RAGAN LA GUMAYSAN JIRAY AYAA XILKA INOOGU DHIIBAY? TA LABAAD GOORMAY DHACDAY NIN JIBRIIL YOONIS AH IN BORAMA LAGU JIDHDILO ??? WAA AAKHIR SAMAN NIN REER XAMARA AYAA LAGA SOO WARIYEY CIMRIGAAGA OO DHEERAADA GEEL DHALAYANA WAA KU TUSAA. TANI MAAHMAAHDAA AYEY NAGU NOQOTEY SAMIR IYO DULQAAD WUU DHAMAADAY CIIL CADHO AYAAN DIBADA KU NOOLAAN KARI LAANAHAY HADII ARINKAN WAX LAGA QABAN WAAYO HADA WAA HADII SIDA UGU DEGDEG WAX LOOGA QABAN WAAYO SAMAROON DHIIG INUU DHEXDIISA DAADIYO AYEY NOQON DOONTAA MEESHA DAWLAD IYO KULMIYE KA SAARA WAA XANUUN WALIGEEDBA REERKAN DILAY WIILKA YAR HAYEY WAANA IN FINKAA KU BAXAY LAGA DHIIJIYAA HADII KALE DOQONI JOOGSO MOOYAANE KAJOOGSI GARAN MAYSO MARKA NIMANKAN LA DELDELO HADII LA ARKO CID USOO BAXDA IYANA WAA IN LAGU DARAA HADII KALE XAL DEGDEGA AYAAN SUGAYNAA JAALIYADA IMARAADKA CARABTU WAXAY ARINKAN DULSAARTEY SULDAANKA BEESHA JIBRIL YONIS SUDLAN ABUBAKAR CILMI WABER ISAGAANAN KA WAR SUGAYNAA
WABILAAHI TAWFIIQ
WAA XASAN AW DAHIR MMAXMUUD UAE
*************************************************************************************************************************
hibo222@yahoo.com Hibo siciid USA
Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakatu
Laba arimood ayaan qaadan kari waayey waa ta kowaade toorjin nuucan ah ayaa borama gudaheeda ka dhici kara iyo ta labaad oo ah niman gadabuursi sheeganaya ayaa wiil adeer ahaan ay ugu toosan yihiin sidan jidh dili iyana waan qaadan kari waayey markaa maxaanu goor walba cidkale wax uga sheegaynaa inagii ayaa sida ayda is cunaynee ? dadkii lagu laayey seemaal ayaad ogaydeen inta cabaad inaga dhacday hadaba kan ma seemaal ayaa lagu dilay waa maya doqoniimada ragan wada waa in maxakamad la horkeenaa hadiikale cid ma reebayaan waxaan u malaynayaa inay sakhraan sanaayeen markay wiilka laadka la dhacayeen waxa kale oo aan la yaabay kan nacaska ah ee diraysii afweyne intuu soo xidhay taliyaha saldhiga borama isku sheegaya waar waxaad noola mid tahay waxaan jirin hadalkaagu wuxuu nooga dhigan yahay Ey ciyey wax isku fal sharafta taliye boolis ayaaabad meel kaga dhacday waxa la iii sheegay inaad tahay reer nuur. reer nuur waa tolkay lakiin doqon fara badan ayuu leehay doqmihii ayuunbaad ka mid tahay . runta iska sheeg oo waxaad tidhaa waa la igu amray araweelo ayaana igu amray markaa eedu way kaa baydhi lakiin hadii aad tufaac tidhaa araweelo adiga iyo araweelo labadiinuba xabaashiinu waa seeraha borama ee ogaw
waxaan kusoo gabagabaynaa meeshu way buuq badatee seefta hala iskula baxo cidii roonina reerka ha u hadho lakiin ugaadhsi danbe yeeli mayno .
************************************************************************************************************************
↧
Aragtida dadweynaha ee ku wajahan ciqaabtii Jidh-dilka ahayd ee loo gaystey wariye reer Borama ah:
↧