Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta 50 garsoore u furtay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda dhinaca garsoorka.
Tababarkan oo socondoona muddo todobo bilood ah ayaa waxaa iska kaashaday hey’adda UNDP, jaamacadda Muqdisho iyo Maxkamadda sare ee dlka waxaana tababarkani maanta loo furay garsoorayaal ka tirsan maxkamadaha dalka kuwaas oo tiradoodu gaareyso ilaa 50 garsoore.
Furitaankii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay Avv. Tahliil Xaaji Axmed oo ka tirsan hey’adda UN DP wuxuuna ku dheeraaday ahmiyadda garsoorka iyo sida loogu baahanyahay in la tayeeyo aqoonta garsoorayaasha dalka, isagoo ku boorriyay xubnihii ka qeybgalayay in ay ka faa’iideystan tababarkan.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Avv.Ceydiid C/llaahi ‘Ilkaxanaf’ oo isna halkaasi ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in sare loo qaado aqoonta garsoorayaasha maxkamadaha dalka si loo helo garsoor hufan oo ku dhisan aqoon iyo cadaalad.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay in tababarrada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan isagoo kula dardaarmay garsoorayaasha in ay ka faa’iideystaan tababarkan oo socondoona todobo bilood.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto sare u qaadida iyo tayeeynta aqoonta garsoorayaasha maxkamadaha dalka si loo helo garsoon ku qutoma aqoon iyo caddaalad.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Tababar U Furtay 50 Garsoore
↧