Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Golaha wasiirada oo maanta shir xasaasi ah yeeshey (War-saxaafadeed)

$
0
0

Muqdisho-hobyonet)Maanta waxaa shirkii caadiga ahaa isugu yimid golaha wasiiradda xukuumada KMG Soomaaliya oo gudoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha Mudane, Max’ed Max’uud Xaaji Ibraahim.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka markii uu furay shirka kadib, waxaa loo qeybiyay golaha qodobada ama ajandaha shirka oo ka koobnaa 3 qodob.
Ugu horeyntii Mudane Max’ed Max’uud Xaaji, Wuxuu warbixin ka bixiyay socdaaladii ra’iisul wasaaraha uu ku marayo qaaradda Yurub, Wuxuuna golaha wasiiradda u sheegay in guul laga gaaray, kolkaa kadib wuxuu hadalka siiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise inuu golaha ka siiyo warbixin booqashadii uu ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Mudane Carab Ciise oo sheegay in wafdigiisa ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan golaha wasiiradda iyo taliyaha ciidanka xooga dalka, Wuxuuna sheegay intii ay halkaasi joogeen iney la kulmeen madax ka tirsan maamulka gobalka Baay iyo mas’uuliyiin kale.
Wuxuuna cadeeyay in ay ka wada hadleen amniga iyo nabad gelyada gobalka Baay sidii loo soo xoojin lahaa, wuxuuna soo qaaday iney yihiin madaxda gobalka Baay kuwo si aad ah u dadaalaya una baahan in dhan kastaba baahidooda wax lagala qabto.
Golaha Wasiiradda Waxay kaloo dhageysteen warbixino ay u soo jeediyeen wasiirka dastuurka oo sheegay in dadaal xoog leh loogu jiro dhameystirka howlaha dastuurka, Isagoo cadeeyay in shaqadiisa ay dhamaan doonto ka hor waqtigii loogu talagalay, SIdoo kale waxaa golaha wasiiradda warbixin xagga amniga ka siiyay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha oo ka waramay olalihii adkeenta amaanka ee gobalka banaadir iyo guulihii laga gaaray.
www.hobyonet.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>