Muqdisho-hobyonet)Iyadoo weli xeryaha ugu weyn ee barakacayaasha Muqdisho ay ku soo qulqulayaan barakacayaal iyo qoysas hor leh, ayaa waxaa weli halkaasi ka jirta inaanay helin wax gargaar ah bilihii ugu danbeeysey..
Qeybo ka tirsan Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay Banaanbaxyo ay soo abuubuleen dadka ku dhaqan Xerada Badbaado oo ah Xerada ugu weyn ee dadka Barakacayaasha Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Isgoysyada Banaadir, Soobe iyo KM4 iyo Afaafka hore ee Xerada Badbaado, kaasi oo ay uga cabanayeen dadka Raashin la’aan soo wajahaday labadii bil oo la soo dhaafay.
Qaar kamid ah Horjoogiyaasha Xerada Badabaado oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay kawarbixiyeen Xaaladda Nolol xumo ee iminka ka jirto Xerada,waxaana ay sheegaan in Caruurta yar yar iyo dadka waaweyn ay soo food saartay Nafaqo darri kadib markii muddo billoyin ah aan la siin Kaalmooyinkii ay ka heli jireen Hay’adaha samafalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxda xeradaasi badbaado ayaa sheegay in ujeedada cabashadooda ay timid markii Hay’adaha qaar ay joojiyeen Deeqihii ay siin jireen Barakacayaasha kadib markii dadka intoodu badan ay dib ugu laabteen deegaanadoodii ay kasoo barakaceen halkaasi oo la sheegay in Roobab ay ka da’een.
Sidoo kale waxaa jira cabashooyin ka imaanaya dhinaca xerooyin ku yaala dhanka waqooyi bari ee caasimada MUqdisho, kuwaasi oo sheegaya in iyaga leyska iloobayba oo aanay jirin wax heyado ama dowlada ka socda oo booqanaysa dhibaatada halkaasi ku heysata barakacayaasha oo gobolka shabeelaha dhexe qaarkood ka soo barakacay.
www.hobyonet.com
↧
Dibadbax dhinaca nolosha ah oo maalintii labaad ka dhacay Muqdisho
↧