HAGUE(OWN)- Maxkamada danbiyada dagaalka ayaa soo saartay maanta amar lagu soo xidhayo wasiirka difaaca ee dalka Sudan Mr: Cabdiraxiim Maxamed Xuseen iyagoo sheegay inay ku tuhunsan yihiin danbiyo dagaal oo bini,aadamnimada ka dhan ah oo uu ka gallay shacabka gobolka Daarfoor ee dalka Sudan,
Wasiirka Difaaca dalka Sudan Mr: Cabdiraxiim oo 60 jir ah ayaa ah mas,uulkii lixaad ee u dhashay dalka Sudan ee ay maxkamada danbiyada dagaalku amar ku bixiso in lasoo qabto. Maxkamada ayaa hore u soo saartay amar-ro lagu soo xidhayo madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir & Cali Kooshiib oo ay sheegeen inuu hogaamiye u ahaa kooxda Janjawiiga & Axmed Haaruun oo ahaa mas,uulka amniga ee gobolka Daarfoor,
Madaxa maxkamada danbiyada dagaalka Luis Moreno- Ocampo ayaa sheegay in Wasiirka difaaca ee Sudan uu danbiyo dagaal gallay sanadihii u dhaxeeyey 2003 Illaa 2004, Wasiirkan amarka lagu soo saaray ayaa qabtay jagada wasiirka arimaha gudaha sanadkii 2001 illaa 2005 isagoo sidoo kalle ahaa wakiil u qaabilsan gobolka Daarfoor madaxweyne Bashiir 2003 illaa 2004, Luis Ocampo ayaa xusay in xafiiskiisu uu hayo cadeyno muujinaya in Mudane Cabdiramiin uu gallay danbiyadaa lagu soo oogey, Maxkamada ayaa sheegtay in magaalooyin badan oo kamida gobolka Daarfoor ay la kulmeen cunaqabateyn & Duqeyn xooggan oo ay u geysteen ciidamada cirka ee dalka Sudan,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com /SWEDEN
Barkhad11@live.com
Barkhad Abdillahi Oodweynenews
↧
Maxkamada Denbiyada Dagaalka oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Xidho Wasiirka Difaaca Dalka Sudan Mr: Cabdiraxiim Maxamed Xuseen
↧