Holland(OWN)- Hotelka Bel Air ee magaalada The Hugue ee dalka Holland ayaa waxaa lagu qabtay shirkii loo bixiyey rajada iyo nabada Soomaaliya kaasi oo lagu marti qaaday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Abdilahi Farmaajo iyo qaarka mid ah golihii wasiiradiisa.
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dad ka badan 1000 qof oo ka kala timid jaaliyadaha soomaaliyeed ee dalalka Belguim,Germany,Norwey,Denmark,UK iyo dalka martigeliyey kulankan ee Holland waxaana dadkaasi kawada muuqatay sida ay u taageersan yihiin siyaasada Maxamed Abdilaahi Farmaajo.
Waxaa shirkaasi lagu furay aayadaha Qur’aanka kadibna waxaa hadalka loo dhiibay Marwa Xamza Shiikh Xuseen Hanoolaato oo kamid ah haweenka u taagan dib usoo celinta iyo dowladnimadii ummada Soomaaliyeed,waxaana inta badan u hadashaa dadka aan codkooda soo gudbin karin sida haweenka iyo caruurta,Laakiin shalay waxay ku hadleysay afka gudiga qabanqaabada shirka.
Xamza ayaa u mahadcelisay Farmaajo maadaama uu kala soo qeybgalay shirkan waxaana sidoo kale ay sheegtay inuu yahay Farmaajo siyaasi u taagan dib soo celinta rajada dalka Soomaaliya,iyaddoo intaasi raacisay inuu mudan yahay ku dayasho iyo raacis wadada uu u bilaabay soomaalida dowlad jecesha ah.
Bob Lagas oo ah nin u dhashay Dalka Holland balse ku hadla afka Soomaaliga oo isna lagu soo dhaweeyey codbaahiyaha ayaa sheegay hadalo u badnaa taageero iyo soo dhaweyn. Waxaase uu si cad Bob ugu tilmaamay Farmaajo inuu yahay siyaasi banaanka soo dhigay sida ay ummada Soomaaliyed dowlad u rabaan una dhisan karaan haddii ay talada iyaga leeyihiin. Waxaana uu taasi cadeyn uga dhigay waqtiga yar ee uu Farmaajo xilka hayey iyo isbedelka uu sameeyey,kadibna waxaa uu ugu baaqay soomaalida inay taageeraan siyaasiga usoo baxay ee Maxamed Abdilahi Farmaajo.
Maxamed Lugod oo ah odey ka mid ah odayaasha soomaaliyeed ee Holland kuna hadlaayey codkooda ayaa hadalkiisa ku taageeray howlaha siyaasadeed ee Farmaajo,waxaana uu halkaasi ka sheegay codsi soo jiitay dhamaan ka qeybgalayaashii shirka kaasi oo ahaa inuu Farmaajo cadeeyo mustaqbalkiisa siyaasadeed. Laakiin waxaa uu geeska bidix ee hadalkiisa geliyey siyaasada Guddoomiyaha Baarlamaanka ee xilkiisa buuqa badan ka taagan yahay Shariif Xasan Shiikh Aden kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay mid xambaarsan afkaar dalal shisheeye. Waa sida uu hadalka u dhigay Maxamed Lugod oo ah odey qurbaha wax badan joogay.
Mid ka mid ah guddoomiyayaasha tirada badan oo ay leeyihiin jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka UK oo lagu magacaabo Saciid kana hadlay shirkan isaga oo huwan magaca soomaalida UK ayaa sheegay inay yihiin dadkii ugu horeeyey ee soo dhaweeyey Farmaajo kadib markii uu soo baneeyey kursigii Ra’iisul wasaare. Waxaase uu dadweynaha meesha fadhiyey oo aad ubadnaa weydiiyey inay taageerayaan haddii Farmaajo Madaxweynenimada Soomaaliya isku soo taago,Taasoo si wada jir ah ay ugu jawaabeen “HAAAAA” kana dhigan inay garabtaagan yihiin haddii uu doorashada soo socoto isku taago.
Amasadoor Muriidi Golf oo hadal yar oo macno leh halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in siyaasada Farmaajo dagaal u gashay burburinta nidaamka 4.5 laakiin uu arrintaasi kala kulmay culeys xoogan oo rabay in aan laga bixin wadada 4.5. Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay qorshaha xukuumada Farmaajo oo kale taasi oo aan hortiisna jirin gadaashiisna jirin,waxaana hadalkiisa ka mid ah ” Shiikh Shariif guulaha uu sheegto dhamaantood waxaa keenay waa Farmaajo,waxaana taasi marqaati ka ah ummada Soomaaliyeed iyo mida Caalamka, Marka waxaan leeyahay Farmaajo waa siyaasi ka dhabeeyey balanqaadkiisii soomaalinimo” ayuu yiri Amasadoor Muriidi Golf.
Guddoomiyaha Dallada soomaalida Holland ee FSAN Xuseen Khadiib ayaa ku hadlay codka qurba joogta Holland waxaana uu sheegay in loo baahan yahay ka qeybqaadashada dadaalada dalka lagu dhisayo. Waxaana uu intaasi raaciyey in kubada maanta ay taal dhinaca qurba joogta loona fadhiyo waxqabad dhab ah oo soo celiya nidaamkii dowladnimo.
Mucjisada ciyaarta miiska Magan Dahir Yusuf ayaa halkaasi ku gudoonsiiyey Farmaajo funaanadii ugu horeysay oo uu ku ciyaaray,waxaana sidoo kale halkasi ka sheegay hadalo qiimo wadaniyad leh. Magan Dahir waxaa uu ka mid yahay ciyaartooyda u nugul wax u qabashada dalkooda Hooyo.
Wasiiru dowlihi hore ee wasaarada Maaliyada xukuumadii Farmaajo oo shirkaasi uga yimid Muqdishi oo saacado ka hor soo gaarey xarunta Shirka ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada Farmaajo ku dhisneyd aqoon oo aan inta badan qabiil loo fiirin jirin,Waxaana uu tusaale usoo qaatay sida uu isaga kusoo galay golaha wasiirada xukuumadii Farmaajo waxaana uu yiri ” Aniga aqoon uma laheyn Farmaajo isagana iima laheym,laakiin waxaa uu xukuumadiisa igu soo daray markii uu arkay aqoonteyda iyo sida aan rabo in aan wax u qaban karo,kadibna aniga oo aan la ii eegin qabiil ayaan ka mid noqday wasiiradii la soo shaqeeyey Farmaajo” Ayuu yiri Maxamed Xasan oo ahaa Wasiiru dowladaha wasaaradii Maaliyada Xukuumadii Farmaajo.
Dhinaca kale waxa uu sheegay sida ay u haggaajiyeen nidaamkii shaqaalaha dhamaan wasaaradaha xukuumada,waxaana uu sheegay inay ka bilaabeen howshooda wasaaradaha Ammaanka,Maaliyada kadibna ay ku xijiyeen Warfaafinta,Laakiin waxaa uu nasiibdaro ku tilmaamay inay dhamaan wixii ay qabteen hal bacaad lagu lisay ka dhigtay xukuumada hadda jirta.
Intaasi kadib waxaa hadalka loo wareejiyey Ra’iisul wasaaraha hore ee Soomaaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo. Waxaa wada istaagay dadkii oo dhan,waxaa is qabsaday sawaxan iyo mashxarad lagu soo dhaweynayey Ra”iisul wasaarahihii hore taasi oo socotay qadar daqiiqado ah,kadib ayaa dadweynihii fariisteen iskuna diyaariyeen dhuuxida hadalka uu jeedinayo Farmaajo oo ay safarada usoo galeen.
Waxaa uu bilaabay mahadcelin kadibna waxaa uu ka sheekeeyey waxqabadkii xukuumadiisa,isagoo hadlaya waxa uu yiri ” Waan idin ka mahadcelinayaa isku soo bixiina iyo qabashada shirkan,Waxaan sidoo kale aan idin sheegayaa in waxqabadka xukuumadeya aysan aheyn mid adiga igu eg amaanteeda balse ay ila wadaagan saaxiibadii ila soo shaqeeyey,Waxaana dhihi karaa arrintaasi waxaa suurtogeliyey waa kooxdeena isku xirneyd ee habeen iyo maalin shaqada xukuumada u taagneyd” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.
Waxaana uu intaasi raaciyey in iminka loo baahan yahay wadajirka ummada soomaaliyeed,haddii aan midaasi la helina ay dhici karto in burbur horleh la wajaho,waxaana isagoo ka hadlaya dowlada midan xigta uu yiri
” Waxaan u baahanahay in dowlada midan xigta inay noqoto mid lagu ilaawo wixii horey soo dhacay oo dhan. Haddii aysan sidaasi noqona waxaa dhici doonta is la isqabqabsado oo halkii burburka dib loogu noqdo. Waxaana uu ka codsaday soomaalida meelkasta oo ay joogaan inay wadaan kacdoonkooda ay ku raadinayaan dowladnimada”.
Mahiga mar uu soo hadalay qaaday ayuu sheegay inuu ninkaasi ka baxay howshii loo soo wakiishay,isagoo qeyb ka noqday dhinacyada Soomaaliya siyaasadeeda isku haya, Waxaana mar uu ka hadlayey uu sheegay .
” Mahiga Dalka Soomaaliya waxaa iska leh ummadda Soomaaliyeed,Waxaadna ogataa in aan marna lagu weydiiyeyn cida ka talineysa iyo sida loo maareynayo dowladnimadeeda,Taasi waa mid ku xiran soomaalida,Adigana waxaan ku dhihi lahaa shaqadaada aqoonso oo noqo nin gudbiya wixii ay is dhaafsanayaan Soomaaliya iyo Qaramada Midowday” ayuu yiri markale Farmaajo oo baryahan dagaal saxaafadeed kula jiray wakiilka UN u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Waxaase ugu muhiimsanaa khudbada Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaaliya Dr,Maxamed Abdilaahi Farmaajo inuu shacabka halkaasi joogay ugu bishaareeyey furashada xisbi siyaasi ah oo ay ku mideysan yihiin dhamaan golihii wasiiradiisa iyo qaar ka mid ah Soomaalida kale. Waxaana uu yiri isagoo ka hadlaya Magaca Xisbigaasi iyo sida uu noqon doono :
” Jaaliyadda Holland waxay nasiib u yeesheen in aan ku furno geediga siyaasadeed ee aan mudo wadnay,Waxaana rabnaa in aan abaal idinka dhigo ka cadeynta hortiina qorshaheena siyaasadeed taasi oo aad iga dalbateen. Haddaba waxaan wadnaa Xisbi la yiraahdo TAYO kaasi oo xaflada lagu furayo ka dhici doonto wadanka Mareykanka,si taasi la mid ahna waxaa dhici doonta xaflad ku mataansan oo iyadana isla maalintaasi ka dhici doonta Holland ee waa inaad dhinaciina howsha kawadaan. Cidii imaan kartana xaflada Mareykanka aan ku qabaneyno hadde waa ku casumeynaa” ayuu yiri Farmaajo isagoo sharaxaya ururkiisana waxa uu yiri :
” Xisbigan waxaa uu yahay mid ka shaqeyn doona midnimada ummada Soomaaliyeed,waxaa uu xooga saari doonaa ka dhameynta himilada shacabka jecel soo celinta dowladii Soomaaliya,kuwaasi oo taageero xoogan u muujiyey xukuumadeydii Tayo,Haddaba inaga oo fiirineyna qibradii xukuumadii Tayo ayaan Xisbiga u bixinay isla magacaasi TAYO. ” ayuu yiri Farmaajo .
Waxaana ugu danbeyntii gudiga qabanqaabada shirka ay gudoonsiiyeen bilad sharafeed ku aadan dadaalkiisa iyo horumarkii uu sameeyey intii uu xilka hayey. Waxaana biladaasi si wada jir ah u bixiyey dhamaan gudiga qabanqaabada.
Dhinaca kale xaflada inta ay socotay waxaa dhextaal ahaa heeso qiimo badan oo ay halkaasi kusoo bandhigayeen fanaaniin uu horkacayey fanaanka weyn ee Abdi Baadil Ibrahim kuwaasi oo kala ahaa Xasan Diinle,Maxamed Weerow iyo Nasteex Saciid Yusuf. Heesaha ay qaadeen ayaa kicinayey dareenka soomaalida isku timid. Iyaddoo xarunta ka dhigay inuu shirku yahay mid wax badan ka badeli doona rajada Soomaalida.
Isku soo duuboo shirkan ayaa noqday mid ku soo dhamaaday waji nabad ah,waxaana lagu balanay in kiisa kale uu noqdo ku dhawaaqista si rasmi ah Xisbiga TAYO kaasi oo la filayo haddii la dhiso inuu ka qeybgalo doorashada soo socota ee Soomaaliya. Waxaana Farmaajo uu isagana dib ugu noqday Dalkii uu ka yimid ee Mareykanka.
Cali Dahir Ciid
The Hugue,Netherlands
↧
Shirkii Rajada Soomaaliya oo ka dhacay Holland iyo Farmaajo oo kusoo bandhigay magaca xisbi cusub.
↧