Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Somalida Mareykanka oo ey soo waajahday cabsi iyo kala shaki kadib markii qaar lagu eedeeyey iney Alshabaab la shaqeeyaan

$
0
0

Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano FBI-da ayaa sirdoon Somali ah ku yaaciyey magaalooyinka somalidu u badan yihiin iyadoo somalidu haatan kala shakisan tahay kadib markii ALshabaabku sheegteen qaraxyo ka dhacay dalka Uganda.

FBI-da ayaa dabagal iyo baaritaanno xoogan waxa ay kuhayaan maalmahani dambe Soomaalida kunool wadanka Mareykanka kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay yihiin kuwa Alshabaab kusoo taageera dhinaca dhaqaalaha.

14-ruux ayay gacanta kudhigeen Sirdoonka Mareykanka waxaana 2kamid ah ay yihiin haween Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu soo wada eedeeyay in ay taageero maaliyadeed u fidiyaan Ururka Alshabaab ee ka dagaalama Gudaha Soomaaliya.

Labadan haween oo lagu kala magacaabo Aamino Faarax Cali oo 33-jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan oo 63-jir ah ayaa FBI-du ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, isla markaana ay lacagaha ay soo uruuriyaan u diraan.
Hayeeshee haweenkani ayaa ku cabanaya in lacagaha ay u diraan Soomaaliya uu yahay lacago ay u aruuriyaan dadka barakaceyaasha ah ee kudhibateysan gudaha dalka Soomaaliya oo aysan waxba siinin kooxaha Alqaacida xiriirka laleh sida Alshabaab.

Baaritaanno xoogan ayaa haweenkani lagu hayaa iminka, waxaana lagu soo waramayaa in todobaadka soo socda Maxkamad lagu soo taagi doono mareykanka, waxaana haddii ay ku cadaato arrinta lagu soo eedeeyay ay noqon doonaan kuwa Maxkamadda arrintooda ay go’aan rasmi ah ka gaari doonto.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>