Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al Shabaab oo shaaca ka qaaday magaca qofkii isku qarxiyay albaabka hore ee Madaxtooyada Muqdisho shalay

Afhayeenka al Shabaab, Cali Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa daboolka ka qaaday magaca shaqsigii naftiisa iyo nafaf kale ku haligay afaafka hore ee Madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed (Villa Somalia).

Cali Dheere wuxuu ku magaca shaqsigii is-qarxiyay ku sheegay Xasan cabdulqaadir cabdi, shaqsigaas oo uu ku sifeeyay "shaqsiga shahiiday" oo cadawga la dagaalay.

Afhayeenka al shabaab wuxuu sidoo kale ku goodiyay in weerarada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa ay cadawga Alle dalka ka saarayaan waa siduu hadalka u dhigaye, cadawgaas Alle oo uu ula jeeday Dowladda Soomaaliya, taageerayaasheeda iyo ciidamada AMISOM.

Hadalkan al Shabaabka ka soo yeeray ayaa ka dambeeyay qarixii shalay uu afaafka hore ee Madaxdtooyada ka fuliyay qof isku soo xiray waxyaabo qarxo, waxaana qaraxaas dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaartay shaqsigii is-qarxiyay, shacab caadi ah iyo askar dowladeed.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles