Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo C/Qaadir iyo Hodan, C/Qaadir ayaa ka sheekeeyay dhacdada xanuunka leh ee uu kala kulmay Hodan.
Waxaan ku dhashay degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho, waxaana kusoo barbaaray isla caasimadda, isla-markaana waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Wadajir ee magaaladda caasimadda ah ee Mudisho.
Sidoo kale Hodan ayaa waxay ila degneed degmada Wadajir, waxaana ahayn laba ruux oo daris wadaag ah, balse waxaa inaga dhaxeeyay Jaceyl lagu diirsan karo iyo kalsooni balaaran oo labadeenuba inaga dhaxeysay, hase ahaatee sanadkii 2002-dii ayaa waxaa damcay inaan iskaga soo taggo magaaladda Muqdisho, isla-markaana Hodan ayaa igu taageertay, iyadoo igu dhiira-gelisay in aanu yeelano mustaqbal wanaagsan.
Dabayaaqadii sanadkii 2002-dii ayaa iskaga soo tagay magaaladda Muqdisho, waxaana soo maray safar dheer oo aan kasoo bilaabay dalalka Itoobiya, Suudaan, Liibiya iyo Talyaaniga, balse waxaan dhibaato xoogan aan kala kulmay inta u dhaxeysa wadamada Talyaaniga iyo Liibiya, inkastoo aan maanta ilaaway dhibtii xooganeed ee aan halkaasi kala soo kulmay.
Intii u dhaxeysay sanadadii 2003-dii ilaa 2008-dii ayaa waxaan ku noolaa dalka Talyaaniga, halkaasoo aan ka helay sharci deganaansho ah, intii aan joogay dalka Talyaaniga ayaa waxaa si weyn isku xiriirin jirnay gabadha aan adduunka ugu jeclahay ee Hodan, isla 2008-dii ayay Hodan soo gaartay dalka Talyaaniga, afar bilood kadib ayaa waxaa ku aqal-galnay isla dalka Talyaaniga, bacdamaa aanu ku heshiinay inaan isguursano.
Mushkilada ayaa timid kadib markii aanu u soo guurnay dalka Swizerland, isla-markaana waxaanu isku dhalnay hal gabar oo aanu ugu magac-darnay Suleeqa Cadey, dhalashada gabadhayna kadib ayaa waxay Hodan iga codsatay in aan iska dhigno laba qof oo kala tagay, si ay lacag uga hesho dowladda, hase ahaatee taasi ayaa ii cuntami weyday, waayo waxaan ahaa ruux shaqeysta kana adag nolosha qoyskiisa.
Hodan waxaan u sheegay inaanan dooneen arintaasi, haddii ay tahay qof lacag dooneysana in ay lacag heysato, waayo baan iri, anigaa kusoo shaqeeya, waxaana u sheegay in ay ku jirto mid kamid ah nolosha ugu sareysa oo ay ku jiraan habalaha Soomaaliyeed, balse Hodan ayaa waxay soo istaagtay hadaadan ii sameyn kareyn sida aan doonaayo, ina kala wad.
Waan yaabay oo waan fajacay, xitaa waxaan iskugu yeeray dhalinyaro fara-badan oo Soomaali ah oo iskugu jira wiilal iyo gabdho, anigoo u sheegay arinta layaabka leh oo ay lasoo baxday xaaaskayga Hodan, isla-markaana waxay bilaaabeen in ay Hodan kala hadlaan arintaasi, hase ahaatee Hodan oo lees lahaa way qanci doontaa ayaa afka kala furatay, waxayna sheegtay in aysan marnaba i dooneen, oo waxay ku tiri, waxaan ku qancaa oo kaliya furiin.
Iyadoo ay xaaladdu sidaaasi tahay ayaa waxaan u sheegay qoyska ay ka dhalatay, balse Hodan ayaa soo istaagay ninkaasi marnaba dooni maayo, ugu dambeen markaan arkay in uu furiin uun u cad yahay ayaa waxaan xal u arkay inaan iska fasaxo, bacdamaa aanu nabad ku wada joogin.
Hadda waxaan ku noolahay caasimadda dalka Ingiriiska ee London, sababaha aan Ingiriiska u imaaday ayaa waxay tahay, kadib markii ay Hodan i soo nac-siisay caasimadda dalka Swizerland ee Bern, magaaladaas oo ah magaaladda aan ugu jeclahay magaalooyinka ku yaalla Qaaradda cusub ee Yurub.
Gabadhayda Suleeqa iyo hooyadeed Hodan ayaa waxay iminka ku nool yihiin magaaladda Bern ee dalka Swizerland, isla-markaana Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayaa si weyn ula yaabay arinta ay Hodan iskaga furtay ninkeeda.
↧
Gabar Soomaaliyeed oo si layaab leh iskaga furtay ninkeeda “Dhacdo Layaab Leh”
↧