Islaamiyiinta oo halis ku ah dhulka shidaalka ee Soomaaliya, sidaas waxaa cinwaan looga dhigay maqaal ku soo baxay bogga hore ee bogga internetka ee UPI (United Press International).
Qormadan oo sii qaadaa-dhigeysay dulucda qoraalkeeda ayaa sheegtay in barwaaqada shidaal ee ka soo bidhaameysa Puntland deegaano ka tirsan ay dhanka kale dhinaca ku wato halis ammaan oo hagardaameyn karta habsami-socodka qodista hogaha shidaal ee hoos ceegaaga ciidda Soomaaliyeed dhankeeda Waqooyi.
Halistaas waxay ka imaaneysa dhanka islaamiyiinta Soomaalida ee al Shabaab oo taageero ka helaya Al Qaacidada Gacanka Cadmeed iyo Afrika, waxayna hadda kooxahaasi saldhigyo waa weyn ka unkadeen dhulka dhaca silsilada buuraleyda Gollis gaar ahaan Buuraha Galgala oo uu horay ugu sugnaa Shiikh Atam.
Shiikh Atam oo horay dagaal deegaan wax lagu sheegay kula jiray maamulka Puntland ayaa hadda u xuubsiibtay al Shabaab wuxuuna shaaa ka rogay in uu xoogagaas ku biiray, xoogagaas oo iyaguna ku milmay al qaacidada Caalamiga ah.
Shirkado Caalami ah oo shidaalka baaraya ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanada Puntland waxayna qaarkood sheegeen in shidaalka halkaas ku jira uu balaayiin barmiil gaarayo, waxayna hadda si indho la'aan ah ugu hawlan yihiin soo saarista shidaalkaas sida laga cabsi qabo sababi kara dagaalo lagu hoobtay iyo burbur dhaqaale oo baahsan.
Shirkadaha shidaalka oo intooda badan laga leeyahay Mareykanka Yurub ayaa waxaa dhanka kale warar laga soo xigtay sheegayaan in marka ay shidaalka soo saaraan ay dhinaca ammaanka shidaalkaas gacan ka siin doonaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Nato ee horayba ugu sugnaa badaha Soomaaliya.