Waxaa hadda cusbitaalka lagu ilaalinayaa 27 jir Soomaaliya ku dhashay oo ay ciidamada Boolisku rasaas la dhaceen kadib markii uu diiday in uu dhulka dhigo toorey uu dhowr qofood ku soo dhaawacay.
Boolisku waxay sheegeen in xaaladda ninkani ay haatan soo wannaagsanaaneyso kadibna ay baaritaano iyo wareysiyo la yeelan doonaan si ay isu waafajiyaan wararka sheegaya in ninkani uu laba qofood toorey ku soo dooxay gaarina afduubtay.
Warku waa mid goor dhow uun na soo gaaray waxaana weli adag in la helo magaca ninkan iyo arrinta ka dambeysay dhacdadan sida booliska laga soo xigtay argagax ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Christchurch.
Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle Idmo.