Muqdisho – GMN - Isagoo la hadlayey warbaahinta Muqdisho, ayaa ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa uu ka warbixiyay kulamo uu wadanka Sweden kula qaatay Madaxda ugu sar sareysa ee dowladda dalkaasi.
Waxa uu sheegay Wasiirku inta uu ku sugnaa Dalka Sweden kulamo ku aadan Xiriirka labada dal iyo Hor umarka ganacsiga iyo dib u dhiska warshadaha uu la qaatay Wasiirada Ganacsiga Warshadaha arimaha dibadda iyo Ra’iisulwasaarahooda isagoona tilmaamay Ujeedka ugu weyn ee kulamadaasi in ay ahayd sidii Dowlada Sweden uga qeybqaadan lahayd dhisida Ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa haba ugu horeeyaane Warshadaha iyo kobcinta ganacsiga Soomaaliya, Mas’uliyiintii uu la kulmayna arimahaasi oo idil ay isku afgarteen.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo wax laga weydiiyay waxa uu kala socdo Sabeynta lacagta dollarka iyo sar u kaca xiliba xiliga ka dambeeya ku imanaya raashinka quutul daruuriga iyo hadii ay jirto Kulan wasaaradiisa ay la qaadatay ganacsatada Soomaaliyeed ayuu sheegay in wadanku uu yahay mid bur bursan Mudo 20 sano ah una baahan in kor looqaado hurumarka ganacsiga Kulamo ku aadan sal fadhi la’aanta dollarkana uu la qaatay ganacasatada soomaalida walina ay wax ka qaban la’ yihiin haatana uu diyaar u yahay in markale uu arintaasi kala hadlo.
Wadanka Soomaaliya ayaa ka bur buray Meelo badan oo Muhiim ah tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 20-na uu galay dagaalo sokeeye ee uu dalku kujiray waxaana kamid ah Meelaha uu ka bur buray ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
ilihii Dhaqaalaha Somalia Oo La Dhisayo
↧