Dhacdadaan oo mid layaab leh ah marka loo-eeggo dhinaca milatariga, ayaa waxay ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo uu si kulul uu uga hadlay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.
Saraakiisha Dowladda Kenya ee joogga duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbad Hoose, ayaa wuxuu khilaafaad culus uu soo kala dhex gallay qaar ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee aaggaasi.
Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa waxay durbaba ay xabsiga dhiggeen seddex ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxayna ku xireyn xabsi macmal ah oo ay ka sameysteen Deegaanka Qooqaani ee duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa wax aad loola yaabo noqotay in saraakiil Soomaaliyeed lagu xir xiro gudaha dalkooda, ayna ku xir xiraan saraakiil shisheeye oo aanu u dhalan dalka Soomaaliya, waxayna taasi shacabka ka soo jeeda Gobolka Jubbada Hoose ay la-noqotay mid layaab leh.
Xildhibaan Maxamed C/Laahi (Maxamed Amiin) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ee ka soo jeedda Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu si weyn uu u cambaareeyay amuurta lagu xiray seddex ka mid ah Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose.
Xildhibaanka ayaa wuxuu sheegay in wax aad loola yaabo tahay in dalka Soomaaliya lagu xir xiro saraakiil u dhalatay, ayna ku xiraan saraakiil Ajaaniib ah oo marti ku ah buu yiri dalkooda, isagoo ficilkaasi ku tilmaamay mid gumeysi u muuqdo.
↧
Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose
↧