Xarakada Alshabaab ee dagaalka joogtada ah ka wada magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeeysay hadal aan looga baran laga soo xigtay.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Alshabaab Shiikh Cali Maxamad Xuseen oo Suuqa Bakaaraha kula hadlay dadweyne isu soo baxay ayaa sheegay in ay filiyaan in dagaalka hadda socda ay ku soo biiraan Diyaarado dagaal.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay na caawiyaan dagaalkana ka qeybqaataan waayo waxaan dhowaan ka baqeynaa in dagaalka ay ku soo biiraan Diyaarado dagaal" Alshabaabka ninka u qaabilsan gobolka Banaadir.
Waa markii ugu horeysay ee Alshabaabka afkooda laga maqlo hadalo noocan oo kale ah sida dad badani qabaan waxaana hadaladan dabacsnaantu ka muuqato dadka qaar ay ku tilmaameen ´kuwa muujinaya isbedel ku yimid siyaasadii Alshabaabka ee xoogag ku saleysneyd.