Xarakada Al shabaab ayaa galabta
Suuqa Bakaaraha kusoo bandhigtay sarkaal la sheegay in uu katirsanaa
Ciidamaad Dawladda KMG ah ee Soomaaliya kaasi oo ay Masuuliyiinta
Xarakada Al shabaab ku sheegeen in uu usoo galay dhinaca Xarakada Al
shabaab isla markaana uu kasoo goostay Ciidamada Dawladda KMG ah.
Sarkaal ayaa waxaa shir jaraa’id
kusoo bandhigay Waaliga Wulaayada Islaamiga ah ee Xarakada Al shabaab ee
Gobolka Banaadir Shiikh Cali Maxamuud Xuseen waxaana uu meesha ka
sheegay Waaligu in sarkaalkan uu kasoo goostay Ciidamada Dawladda kadib
markii uu u adkaysan waayey xasuuqa lagu hayo umadda Soomaaliyeed gaar
ahaana kuwa Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan ayaa waxaa la sheegay in
uu kamid ahaa Ciidamada Dawladda uuna dhowaan tababar uga soo laabtay
Dalka Jabuuti halkaasi oo uu muddo tababar u joogay isaga oo meesha ka
sheegay in uu iskiis uga soo baxay dhinaca Dawladda isaga oo intaasi ku
daray in uu u adkaysan waayey xasuaq uu sheegay in lagu hayo dadka
Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho kuwaasi oo intooda badan ay
wax yeelo kasoo gaartay madaafiicda ay ganaan Ciidamada Amisom ee
taageera Dawladda KMG ah.
Shiikh Cali Maxamuud Xuseen ayaa waxa
uu ugu baaqay saraakiisha kale iyo Ciidamada Dawladda in ay isaga soo
baxaan maadaama ay ku jiraan waddo habowsan taasi oo lagu
dhibaataynaayo shacabka Soomaaliyeed sida uu sheegay waaliga Xarakada
Al shabaab ee Gobolka Banaadir.
Sarkaalka
maanta isu soo dhiibay Xarakada Al shabaab sida ay sheegeen
Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab ayaa hadda waxaa loo samayn doonaa
dhaqan celin socon doonta muddo kooban kadibna waxa uu kamid noqon
doonaa Ciidamada Xarakada Al shabaab sida uu sheegay Shiikh Cali
Maxamuud Xuseen.
Sikastaba sarkaalkan maanta isu soo
dhiibay Xarakada Al shabaab ee horay uga tirsanaa Ciidamada Dawladda
ayaa waxa uu qayb ka noqonaayaa Sarakiil iyo Ciidamo horay Dawladda uga
soo goostay kuwaasi oo u kala galay dhinacyada Al shabaab iyo Xisbul
Islaam waxaana xusid mudan in Ciidamo ka kala goostay Xoogagga Al
shabaab iyo Xisbul Islaam ay iyagana mararka qaar u galaan dhinaca
Dawladda.