Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Banaanbax looga soo horjeeda Dowladda Yahuuda oo ka dhacday Magaaladda Cape Town “Sawirro”

$
0
0

Salaadii jimcaha kadib ee shalay ayaa kumanaan qof oo muslimiinta kunool dalkan south africa ayaa dibid bax balaaran isugu soo baxay irirda hore ee xarunta baarlamaaka South Africa ee kutaala magaalada Cape Town.
kuwaasi oo dalbanaya in Isreal ay isaga baxdo goobaha ay Falastiin ka heesato ee uu kamid yahay Masjidul Aqsaa oo ah masjid ku weyn muslimiinta kana mid ah goobaha taariiqiga ah ee islaamka lee yahay waana masjid barakeeysan, iyo deegaanada kale ee reer Flastiin si ay dib ugu soo laabtaan dadka guryahooda laga barakiyay ee reer falastiin.
dadweynaha ayaa si nabada u soo bandhigay dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin xad gudub yada Isreal ay u geesato Flastiinyiinta kuwaaasi oo siweeyn uga fog xuquuqda bani aadannimo boqolaalkani ruux ee muslimiinta ah.
dibid baxa oo aay soo qaban qaabiyeen Golaha musliminta ee dalkan South Africa MJC ayaa dhambaal katurjumaya rabitaanka mudaaharaadayaasha waxaa ay u gudbiyeen wasaaradda arimaha dibadda ee dalka South Africa iyada oo madaxa muslimiinta dalkan South Africa Sh. Ixsaan Henrex uu baaq u duray dadka Isrealiyiinta ee dagan dalkan South Africa in ay ka qeeyb qaataan joojinta xad gudubyada Isreal ay u geesato dadka Falastiiniyiinta ah ee lagu dhibaateeyo gudaha dhulka reer falastiin.
dadka dibad baxayaasi dhaigayay waxaa kamid ahaa Soomaali fara badan oo isaga yimid deegaanada hoostaga magaalada cape town iyo nawaaxigeeda salaadi jimcaha ka dib ayeey somalidu ka anbabaxeen majdu sunna oo ku yaala xaafada somalidu ubadantahay ee bellville si ay uga qeeyb noqdaan muslimiinta shucuurooda muujinayo.
falastiiniyiinta ayaa waxa in mudo ah heestay dolada yahuuda oo ku so rogatay gumeeysi iyadoona banaan baxaan guud ahaan dadkii ka so qeeyb galay si weyn uga xumaayeen dhibaatada aan dhamaadka laheey ee lagu hayo dadka reer falastiin.
Dibad baxani ayaa waxa amaanka sugayay ciidamada booliska wadanka koonfur afrika si aya u ilaaliyaan dibad baxayaasha iyo amaanka goobta uu banaan buxu ka dhacayay oo aheed xarunta barlamaanka south afrika.

Cismaaciil Cabdulle Fursane
fursane22@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>