Dilal ayaa xalay mar kale waxay siyaabo kala duwan uga dhaceen qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dilalkaas ay geysteen ragg bastoolado ku hubeysan.
Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ciyaarta Kubada cagta ayaa xalay ragg hubeysan ay ku dileen xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wada Jir.
Xiiliga la dilayay wiilka dhalinyarada ayaa gabal dhicii ka soo laabtay kubada cagta, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababaha loo dilay, raggii dilka ka dambeeyay ayaa isaga cararay goobta.
Sidoo kale dil kale ayaa ka dhacay Xaafada Nasiib-buunde ee degmada Shibis, halkaasoo iyana wiil dhalinyaro ah ay ku dileen ragg hubeysan.
Ciidamo boolis ah oo soo gaaray goobta dilka ka dhacay ayaan u suura gelin inay qabtaan, kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana markii dambe laga qaaday Xaafada wiilka dhalinyarada ahaa meydkiisa.
Ka sokow dilalkaas ayaa waxaa jiray labo dhalinyaro oo ciidamo ka tirsan dowladda ku dileen nawaaxiga Saldhiga Galbeed, kuwaasoo lagu eedeeyay inay bambaano ku tuuri rabeen saldhiga ciidamada.
Maamulka degmada Dharkeenley ayaa sheegay in raggaas ay ka tirsanaayeen Shabaabka, isla markaana ay qaarijiyeen ciidamadooda ka hor inta aanay bambaanada soo tuurin.
↧
Dilal siyaabo kala duwan xalay uga dhacay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir
↧