RUSSELS, Sept. 1 Haweeneey u hadashay wadamada xubnaha ka ah midowga yurub oo ku sugan Magaalada Brussels ayaa shaca ka qaaday in lacag gaareeysa lixdan milyan oo dollarka mareeykanka ah ay ugu deeqeen ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada muqdisho iyadoo intaasina raacisay in taageero la siiyo AMISOM ay tahay arrin aad muhiim ugu ah sidii xaaladda soomaliya ay u noqon lahayd mid aan faraha ka bixin isla markaana looga hortago in ay ka sii darto.
haweeneydan oo lagu magacaabo Catherine Ashton isla markaana ah wakiilka midowga yurub u qaabilsan arrimaha dibedda ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in deeqdan lacageed ee ay siinayaan ciidamada AMISOM ay tahay mid qeyb ka ah teegarada wadamada midowga yurub ay la garab taagan yihiin qaaradda afrika.
Catherine Ashton oo sidoo kale saxaafadeedkeeda ku sheegtey in ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ay suuro gelyeen in xaaladda soomaliya aysan noqon mid faraha ka baxda iyagoo sida hadalka ay u dhigteyna sheegtey in ay Ciidamada AMISOM abuureen xaalad ammaan oo ugu yaraan fure u noqota jawi suuro gelin kara wadahadallo iyo dib u heshiisiin laga sameeyo soomaaliya.
magaalada muqdisho ayaa waxa hadda ku sugan ciidamo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi kuwaasi oo tiradoodu ay gaareeyso ilaa iyo lix kun oo askari.
madaxweynaha KMG ee soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa todobaadkan codsaday taageero caalami ah oo la siiyo Dowladiisa si ay isaga caabbiso weerarada uga imaanaya xooggagga islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda DKMG iyo joogitaanka ciidamada AMISOM.