Ciidammada dalka Soomaaliyeed ayaa billaabay xeelada cusub oo ay uga hortagaan ficillada Al-Qaacidda, sida qaraxyada weerarrada gaadmada ah, iyadoo askarta Xoogga dalka ay muujiyeen sida ay dhab uga tahay gudahashada qaajibaadka qaran ee saarran.
Saraakiil iyo askar ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tan iyo markii ay Al-Qaacidda billaabeen weerarrada fuleynimada ah ee loo adeegsado Qaraxyada, waxay laba jibbaareen raadinta xogta ku aadan cadowga, laakin dad badan ayaa aaminsanaa in aysan guuragal noqon Karin in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay iska diidaan waxa loogu yeerray musuq maasuq.
Shalay oo uu taaliska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed soo bandhiggay nin ay ku qabteen isaga oo wata Jaakadda qaraxyada ismiidaaminta ah loo adeegsado, taasi oo ay xogteeda ka shaqeeyeen askar ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo adeegsanaya qibraddooda xagga ciidannimo.
Sidoo kale askarigii ka dambeeyay in gacanta lagu dhiggo dhagar qabe doonayay in uu isku qarxiyo 12-ka April oo ay ciidammada Xoogga u dabaal dagi laaheen sannad guurradooda, markii ay arrintaasi fashilan tahayna waxaa Alle ugu mahadiyay madax, iyo shacabka kaddibna Askarigii waajibkaasi waddaniyaddeed gutay.
Shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda ku nool oo farriintooda ku soo haggaajiyay Website-ka radiomuqdisho.net ayaa ugu horreyn mahad ballaaran u soo jeeddiyay guud ahaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaddibna waxa ay dowladda Soomaaliyeed ka codsadeen Laba arrimood oo xaggooda muhiim ka ah.
Arrinta horre ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay abbaalmarin qaali ah siiso askarigii arrintaani ku aadan fashilinta weerarka Al-Qaacidda, si ay wax badan uga bartaan askarta kale ee iyagana waddaniyiinta ah, codsigooda Labaad ayaa ahaa farriin ku socota dhagar qabhiii gacabta lagu dhiggay, waxayna si adag dowladda uga codsadeen in ninkaasi cadaallada la waafajiyo oo tiirka la geeyo si dhibaatadiisa ummadda Soomaaliyeed looga foggeeyo.
Uga dambeyn dadka Soomaaliyeed ee nabadda Jecel “ma waxa ay arrintaani ku tilmaami karaan guul, mise arrin taariikhi ah. Laakin waxaa hubaal ah in waddanigii ku dhiirraday fashilinta dhagarta cadowga in uu Alle xaggiisa abbaalmarin ka helayo, maadaama qofkii hal ruux badbaadiya uu la mid yahay isaga oo ummadda oo dhan badbaadiyay.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
↧
Sumcaddii iyo awooddii ciidammada Xoogga oo taariikhda baal Dahad ah ka gashay
↧